Kooxda Liverpool ayaa xiiseynaysa daafacan dhexe ee Naadiga RB Leipzig, Ibrahima Konate, maadaama ay doonayaan inuu xal u noqdo dhibaatada daafaceeda, kaddib markii ay dhaawacyo hareeyeen xilli ciyaareedkan.
Haatan Suxufiga aadka loo qaddariyo ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan tijaabada caafimaad ee uu Ibrahima Konate uu u maray Reds uu soo dhammaaday, isla markaana maalmiyada yar ee soo aaddan ay Liverpool ku dhawaaqi doonto saxiixiisa.
Konate ayaa heshiiskiisa waxaa lagu jabin karaa adduun dhan 35 milyan oo euro oo u dhiganta 30.3 milyan oo gini,waxaana uu ka tagi karaa Leipzig haddii lacagtaas miiska la saaro.
Isagoo hadlayey horraantii bishaan Madaxa Kooxda Leipzig ee Oliver Mintzlaff waxa uu Sky Germany u sheegay: “Weli wax go’aan ah lama gaarin, waxaa jira qodob bixitaan.
“Taasi waa sababta aynaan u fadhiisan illaa iyo hadda, isagu waa ciyaaryahan aan dooneyno inaan ceshano.”
Si kastaba ha noqotee, wararka haatan soo baxay ayaa sheegaya in Ibrahima Konate uu heshiis shan sanadood ah qalinka ugu duugi doono Kooxda ka arrimisa garoonka Anfield.