“Horyaalka Sucuudiga Ayaa Ka Wanaagsan Ka Maraykanka, Meel Kasta Oon Anigu Tago….” – Ronaldo Oo Si Weyn U Hadlay

0
103

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cristiano Ronaldo ayaa warbaahinta la hadlay kaddib guuldarro bahdil ah oo 5-0 ah oo kooxdiisa Al Nassr kasoo gaadhay kooxda ree Spain ee Celta Vigo kulankoodii saaxiibtinimo ee ugu horreeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Ugu horreynya Cristiano oo wax laga weydiiyay haddii uu horyaalada Yurub ku laabanayo ayaa sheegay inuu albaabkaasi xidhmay wakhtigiisii Yurubna soo dhammaaday isagoo dhinaca kale qaba in kubadda cagta Yurub hoos u dhacday.

“Kuma laaban doono kubadda cagta Yurub, albaabku wuu xidhan yahay. Waxaan ahay 38 sano jir sidoo kale kubadda Yurub  waxay lumisay tayo badan, horyaalka kaliya ee saxda ahi waa Premier League, in badan ayay ka horreeyaan dhammaan horyaalada kale”.

Dhinaca kale Cristiano ayaa qaba in hal sano gudaheed horyaalka Sucuudigu ka wanaagsanaan doono qaar kamida horyaalada Yurub isagoo dhinaca kale ku faanay in horyaal kasta oo uu tago uu kor u kaco.

“Hal sano gudaheed ciyaartoy badan oo badan ayaa iman doona Saudi. Hal sano gudaheed horyaalka Sucuudigu wuxuu ka wanaagsanaan doonaa kuwa Turkish-ka iyo Dutch-ka”.

“Ciyaartoyda halkan yimid maaha waxa uu sheegay madaxweynaha xidhiidhka Yurub, Ruben Neves iyo Jota waa ciyaartoy da’yar”.

“Waxaan filayaa in horyaalka Sucuudigu ka wanaagsan yahay midka Maraykanka (MLS)”.

“100% waan hubaa kuma laaban doono Yurub, waxaan bilaabay imaanshaha Sucuudiga haatana dhammaan ciyaartoydii ayaa imanaya”.

“Markii aan tagay Juventus Serie A wuxuu ahaa horyaal dhintay kaddibna markii aan saxeexay dib ayuu usoo noolaaday”.

“Meesha uu Cristiano tago wuxuu keenaa xiiso intii hore ka badan waanan ogaa inay sidan noqonayso”.