Horudhacyo: Real Madrid vs Villarreal, Real Valladolid vs Atletico Madrid…(Koobka La Liga oo caawa ku hoyan doono Madrid)

0
231

Real ayaa soo dhoweyn doonta naadiga Villarreal halka Atletico ay booqaneyso kooxda Real Valladolid oo uu qayb ka leeyahay laacibkii hore ee Los Blancos iyo xulka qaranka Brazil ee Ronaldo De Lima.

Real Madrid vs Villarreal

Kooxda Macallin Zinedine Zidane ayaa u baahan inay guuleysato isla markaasna laga adkaado naadiga Atletico Madrid oo ay haatan laba dhibcood ka dambeyso iyagoo kala jooga 83 dhibcood iyo 81 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Alfredo Di Stefano Stadium

Garsooraha: Jose Munuera (Spain)

Wararka kooxaha:-

Toni Kroos oo la karaantiilan Korona Fayras, Eden Hazard, Ferland Mendy, Lucas Vazquez iyo Dani Carjaval ayaa dhammaantood dhaawacyo ku maqan kulankan, balse waxaa safka Madrid dib ugu soo laabtay Kabtan Sergio Ramos iyo Raphael Varane.

Vicente Iborra ayaa ah xiddiga kaliya ee la xaqiijiyay inuu ka maqnaanayo Villarreal oo maalmo kaddib la ciyaareysa Manchester United fiinaalka Europa League.

Real Valladolid vs Atletico Madrid

Kooxda hoggaanka heysa ayaa u baahan keliya inay guuleysato si ay gacanta ugu dhigto La Liga, haddii aysan taas dhicinna waxay u baahan yihiin inay Real Madrid dhibco lumiso si ay u xaqiijiso ku guuleysiga horyaalka dalka Spain.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Alfredo Di Stefano Stadium

Garsooraha: Jose Munuera (Spain)

Wararka kooxaha:-

Raúl García iyo Kenan Kodro ayaa ciyaartan dhaawacyo kala duwan ku seegaya, halka Roberto Jiménez iyo Rubén Alcaraz ay iyaguna ganaaxyo kulankan ku seegayaan.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayaa weyneysa difaaceeda dhexe ee Stefan Savic kaasoo kulankan ganaax kaga maqnaan doona.

Kulanka Barcelona ay booqaneyso Eibar

Barcelona ayaa lumisay hardankeeda La Liga kaddib ciyaartii ay guuldarrada kala kulantay kooxda Celta Vigo toddobaadkii hore, sidaas darteed kulankeeda wax natiijo ah ma lahan maadaama ay ku dhammeysan doonto kaalinta saddexaad.

kooxaha isku haya halka hoose

Kooxaha kala ah SD Huesca, Elche, Real Valladolid iyo Eibar ayaa ku jira afarta boos ee ugu hooseysa La Liga, walina ma cadda kooxda badbaadeysa iyo saddexda laabaneysa maadaama afarta koox ay kala qeybiso keliya saddex dhibcood.

Eibar oo ugu hooseysa kala sarreynta ayaa leh 30 dhibcood, waxaana hal dhibic ka sarreeya Valladolid oo leh 31 dhibcood, halka SD Huesca iyo Elche ay leeyihiin min 33 dhibcood.

Dhammaan afarta koox ee kala ah SD Huesca (vs Valencia), Elche (vs Athletico Club), Real Valladolid (vs Atletico Madrid) iyo Eibar (vs Barcelona) ayaa dhammaantood ciyaari doona hal xilli caawa waxaana kulammadooda ay bilaaban doonaan 7:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Maanta miyaa lasoo gabagabeyn doonaa La Liga?

Iyadoo xalay la ciyaaray kulan ka tirsan La Liga oo ay Levante 2-2 barbarro ah la gashay Cadiz, ayaa maanta horyaalka Spain laga ciyaari doonaa illaa toddobo kulan, sidaas darteed kulammada asbuuca waxaa ka harsan laba ciyaarood oo maalinta berri ah dhici doona.

Kooxda Granada ayaa soo dhoweyneyso Getafe oo xaqiijisay inay ka badbaadday u laabashada horyaalka heerka labaad halka Sevilla iyo Deportivo Alaves ay isla habeen dambe wada ciyaari doonaan.

Sidaas darteed horyaalka La Liga ayaa si toos ah u xirmi doona habeen dambe.