Horudhac: West Bromwich Albion vs Manchester City… (Sky Blue oo caawa doonaysa inay la wareegto hoggaanka horyaalka Premier League)

0
219

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa rajaynaysa inay la wareego hoggaanka horyaalka Premier League, marka ay u safrayaan garoonka The Hawthorns, halkaasoo ay caawa kula ciyaarayaan naadiga West Bromwich Albion.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa dhowaan waxa ay guul 3-1 waxa ay tartanka FA Cup-ka kaga soo gaareen Cheltenham Town, halka Baggies ay todobaadkan guuldarro 2-1 kala kulantay West Ham United.

Guul ay gaarto Kooxda Manchester City caawa ayaa ka dhigan inay hal dhibic hoggaanka horyaalka kaga qaban doonto Naadiga ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Manchester United.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: The Hawthorns

Garsooraha: Chris Kavanagh (England)

Wararka kooxaha:-

West Brom ayaa haysata Karlan Grant iyo Matty Phillips, kuwaasoo diyaar u ah inay wajahaan Manchester City.

Labadaan ciyaaryahan ayaa ku kala maqnaa dhaawac cagta ah iyo caabuqa Korona Fayras sida ay u kala horreeyaan.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City, Kevin de Bruyne ayaa garoommada ka maqnaan kara illaa dabayaaqada bisha Febraayo, sababo la xiriira dhaawac Muruqa ah.

Sergio Aguero ayaa ku jira go’doomin ama karaantiil kaddib markii laga helay Korona Fayras, laakiin Kyle Walker iyo Nathan Ake ayaa laga yaabaa inay taam u noqdaan inay soo laabtaan.

Aymeric Laporte ayaa dib uga soo laabtay dhaawicii uu la maqnaa kulankii Sabtidii ee FA Cup-ka.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- West Brom waa guul la’aan 18-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay wajahday Man City, waxaana ay barbaro gashay labo kulan, halka ay guuldarro la kulantay 16 kulan.

>- Baggies ayaa hoggaamineysay kaliya 26 daqiiqo iyo saddex ilbiriqsi guud ahaan kulamadaas.

>- Guusha ay haatan City ka gaartay lix kulan oo Premier League ah West Brom ayaa ah tii ugu dheerayd ee ay ka horyimaadaan hal koox oo ka soo horjeedda.

West Bromwich Albion

>- West Brom ayaa guuleystay hal jeer sagaalkoodii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League.

>- Waxa ay guuldarro la kulmi karaan shan kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League oo ay ku ciyaarayaan garoonkooda markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2004.

>- The Baggies ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay tan iyo Chelsea 1978 ee laga dhaliyo ugu yaraan saddex gool shan kulan oo xiriir ah ciyaaraha sare ee horyaalka iyadoo weliba ku ciyaaraysa garoonkeeda.

>- Waa guul la’aan 30-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ciyaartay Talaado caawa oo kale, waxaana ay barbaro gashay 13 kulan halka ay guuldarreysatay 17 kulan.

>- Sam Allardyce ayaa noqon kara tababarihii ugu horreeyey tan iyo Chris Ramsey ee QPR sanadkii 2015-kii, kaasoo guuldarro la kulma afartiisa kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League ee garoonkiisa.

Manchester City

>- Guul ay gaarto Manchester City ayaa ka dhigeysa inay hoggaanka u qabato Premier League markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan.

>- Waxa ay shabaqooda gool ka ilaashadeen 10 ka mid ah 18-kii kulan ee ay horyaalka ciyaareen xilli ciyaareedkan – kaliya fasal ciyaareedkii 1976-77 ayay tirade labada god ah ku gaareen kulamo yar.

>- City 10-ka gool ee ay ku dhalisay bannaanka kulammada horyaalka waa kuwo aad u yar marka loo eego kooxaha qeybta hore kaga jira Premier League.

>- Phil Foden ayaa dhaliyey sagaal gool 25 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu haatan ka badan yahay goolashii uu dhaliyey 38 kulan horyaalka xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-