THe Gunners ayaa garaacday Chelsea iyo Brighton & Hove Albion labadeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka, waxaana ay u soo dhaqaaqday kaalinta 13-aad ee miisa kala sarreynta.
Laakiin West Brom ayaa haatan ku jirta booska 19-aad ee ka horreynta horyaalka Premier League, kaddib markii ay kaliya uruursadeen siddeed dhibcood 16-kulan oo ay ciyaareen.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: The Hawthorns
Garsooraha: Martin Atkinson (England)
Wararka kooxaha:-
Kabtanka West Brom ee Jake Livermore ayaa qaadanaya kulankiisii ugu dambeeyay ee ganaaxiisa.
Kieran Gibbs ayaa shaki ku jiraa inuu wajihi doono kooxdiisii hore kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa intii lagu jiray iskululeyntii ka hor guuldarradii Talaadadii ka soo gaartay Leeds United.
Arsenal ayaa rajo wanaagsan ka qabta in Bukayo Saka uu taam noqon doono kulankan, halka David Luiz iyo Willian oo dhowaan xanuunsanaa ay soo laaban karaan.
Gabriel ayaa weli maqan kaddib baaritaanka saxda ah ee loo yaqaan Korona Fayras, halka kulankaan la filayo inuu dhakhso u yimaado Thomas Partey.
Xaqiiqooyinka Ciyaartan:-
Fool Ka Fool
>- Arsenal ayaan wax guul ah gaarin saddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen West Brom, iyagoo laga badiyay labo ka mid ah kulamadaas oo ay ku jirto guuldaradii 2-1 ee bishii November 2015-kii kaasoo uu tababaraha haatan Mikel Arteta uu dhaliyay gool uu iska dhaliyay.
>- Gunners ayaa shabaqa soo taabatay 25 kulan oo isku xigta oo ay wajahday Baggies, markii ugu dambeysay ee ay ku guuldareysato inay sidaas sameyso waxay ahayd markii barbaro 0-0 ah ay kula gashay The Hawthorns bishii November 1985-kii.
West Bromwich Albion
>- Guusha kaliya ee Albion ay gaartey 16-keedii kulan ee ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan waxa ay ka gaareen Sheffield United oo ah kooxda iyaga ka hooseysa.
>- Ma jirto koox siddeed dhibcood ama ka yar heshay 16-keeda kulan ee furitaanka ee ka fogaatay inay ka laabato horyaalka Premier League.
>- Baggies ayaa halis ugu jirta inay barbareyso rikoor Premier League ah iyadoo laga dhaliyay saddex gool ama ka badan afar kulan oo isku xigta oo gurigooda ah, tan waxaa lagu sameeyay saddex jeer oo ay ugu dambeysay Fulham sanadkii 2014-kii.
>- Sam Allardyce ayaa ku dayan kara Mark Hughes oo ka guuleystay kulan Premier League ah isagoo tababare ah Arsenal isla markaana wata afar koox oo kala duwan.
Arsenal
>- Gunners ayaa gaartay labo guul oo xiriir ah horyaalka Premier Leage waana in la mid ah 12-keedii kulan ee markaas ka horeeyey, waxaana ay barbaro gashay labo kulan, halka la garaacay siddeed kulan oo kale.
>- Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay marti ahaayeen horyaalka Premier League ee ay la ciyaareen kooxaha dhawaan soo dallacay, waxaana ay ka haystaan 2 barbaro iyo 3 guuldarro.
>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu wadaa inuu safto kulankiisii 100-aad ee horyaalka Premier League.
>- Aubameyang ayaa gacan ka gaystay 17 gool 15 kulan oo uu horyaalka Premier League ku wajahay kooxaha markaas horyaalka u soo dallacay, waxaana uu ka dhaliyey 13 gool isagoo ku dheebay ama ku caawiyey afar gool oo kale.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-