Horudhac: Villarreal vs Arsenal, Unai Emery vs Mikel Arteta… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulanka caawa lugta hore ee Afar dhammaadka Europa League)

0
211

Kooxda Jaalleyaasha lagu naynaaso ayaa 3-1 cel-celis ahaan kaga soo gudbay Dinamo Zagreb, sidaasna uga mid noqday afar kooxood ee ugu dambeysa tartankan.

Dhinaca kale Gunners ayaa iyana ka soo gudubtay naadiga Slavia Prague oo labadii lugood ee siddeed dhammaadka Europa League ay kaga soo adkaadeen 5-1.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Europa League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio de la Ceramica

Garsooraha: Artur Dias (Portugal)

Wararka kooxaha:-

Pervis Estupinan ayaa ku soo laabtay garoommada kulankii Barcelona ee Axadii, waxaana ay taasi ka dhigeysaa Vicente Iborra inuu yahay laacibka kaliya ee dhaawaca kaga maqan Villarreal kulanka ay caawa soo dhoweynayaan Arsenal.

Manu Trigueros ayaa la siiyey daqiiqo uu ciyaaro kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Blaugrana, laakiin waxa uu diyaar u yahay inuu ku soo bilowdo kulanka caawa.

Tababare Unai Emery ayaa loo malaynayaa inuu sii wadi doono shaxda ay ku ciyaarto kooxdiisa ee 4-4-2, iyadoo Carlos Bacca uu u yimid Paco Alcacer si uu ula midoobo Gerard Moreno sidii looga bartay tartanka Europa League.

Tababare Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Kieran Tierney, Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubemayang ay dhammaantood ciyaari karaan kulanka caawa ay wajahayaan Villarreal, taasoo wax weyn u tari doonta Gunners.

Granit Xhaka ayaa sii wadi doona inuu ka ciyaaro garabka midix ee daafaca haddii Tierney uusan taam u noqon inuu ku soo bilowdo safka hore, halka Eddie Nketiah uu heegan ku jiro haddii looga baahdo afka hore.

Martin Odegaard, kaasoo dhowaan dhaawac ka soo laabtay ayaa doonaya inuu dib u helo booskiisa lambarka 10-aad ee Arsenal kulanka caawa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kooxaha Villarreal iyo Arsenal ayaa ciyaari doona markii shanaad tartammada Yurub, afartii kulan ee hore waxay ahaayeen tartanka Champions League (Afar dhammaadka xilli ciyaareedkii 2005-06 iyo siddeed dhammaadka kal ciyaareedkii 2008-09) – Villarreal ayaanan weli garaacin Gunners afartaas kulan ayaana ku dhammaaday labo ay barbaro gashay kooxda reer Spain iyo labo kale oo la garaacay.

>- Arsenal ayaanan weli Villarreal ku soo garaacin garoonkeeda, labadii kulan oo hore ay u booqatay ayaana ku soo dhammaaday barbaro, waxayna kala ahaayeen sanadihii 2006 iyo 2009.

>- Arsenal ayaa gaari karta afar dhammaadka tartammada Yurub markeedii 10-aad, iyadoo Gunners ay u soo baxday afar dhammaadka saddex ka mid ah afarteedii xilli ciyaareed ee ay ka ciyaartay tartanka Europa League.

>- Kooxda Arsenal ayaa kaliya hal guuldarro la kulantay sagaalkeedii kulan ee hore ay u ciyaartay lugta hore ee afar dhammaadka tartammada Yurub, waxaana ay haysataa 5 Guul iyo 3 barbaro, inkastoo ay ahayd markii ugu dambaysay ee lugtii hore ay ahayd ciyaar dibadda ah, oo ay la yeelatay Manchester United tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2008-09 (1-0).

>- Tababaraha Kooxda Villarreal ee Unai Emery ayaa u tartami doona afar dhammaadka Europa League markii lixaad, taasoo ku labanlaabmi doonta macallin kasta oo tartanka ka qeyb galay tan iyo markii magaca cusub loo bixiyay sanadkii 2009, Emery wuxuu ka soo baxay mid kasta oo ka mid ah afartiisii afar dhammaad ee hore weliba si xiriir ah, waxaana ku jiray midkii uu Arsenal u soo saaray fasal ciyaareedkii 2018-19.

>- Ciyaaryahanka Kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe ayaa gacan ka gaystay sagaal gool oo Europa League ah xilli ciyaareedkan, shan gool waa uu dhaliyey halka afar kale uu caawiye ka ahaa, xiddigan reer France ayaana goolal dhaliyey labadii lugood ee wareeggii ugu dambeeyey.

>- Weeraryahanka Kooxda Villarreal ee Gerard Moreno ayaa gool dhaliyey ama caawiyey dhammaan lixdii kulan ee uu ku soo bilowday tartanka Europa League xilli ciyaareedkan, waxana uu shabaqa soo taabtay lix jeer halka uu caawiyey labo kale.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-