Markii ugu horreysay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017 oo ay Spurs fadhiso meel ka sarreysa Man City miiska kala sarreynta horyaalka Premier League, guul ay gaarto kooxda macallin Jose ayaana ka dhigaysa inay sal dhigtaan oo ay ku sugnaadaan halka ugu sarreysa horyaalka illaa habeenka Axadda.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Sabti 21 Nof 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 08:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium
Garsooraha: Mike Dean (England)
Wararka Kooxaha:-
Tottenham ayaa heli doonin adeegga Matt Doherty kulankan, kaasoo laga helay Korona Fayras intii lagu guda jiray ciyaaraha heerka caalami.
Steven Bergwijn ayaa diyaar ah inkastoo Netherlands ay dib u soo celisay kaddib markii ay caddeeyeen inuusan taam aheyn, laakiin Erik Lamela ayaa sii wadan doona maqnaanshihiisa.
Weeraryahannada Kooxda Manchester City ee Sergio Aguero iyo Raheem Sterling ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdooda kaddib markii ay dhaawacyo la maqnaayeen, waxaana ay safan karaan kulanka caawa.
Si kastaba ha noqotee, Fernandinho ayaa seegi doona kulankan maxaa yeelay waxa uu qabaa dhibaato dhanka caloosha ah.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Tottenham ayaa 2-0 garoonkeeda guul kaga gaartay City bishii Febraayo taasoo soo gabagabeysay lix kulan oo ay guul la’aan ahaayeen kulammada horyaalka Premier League.
>- Manchester City ayaa kaliya laga badiyey kulammo badan oo Premier League ee ay wajaheen Chelsea marka loo eego 24 kulan oo ay la ciyaareen Tottenham.
>- Labadii kulan ee ay Manchester City ku ciyaartay garoonka Tottenham Hotspur Stadium, Son Heung-min ayaa shabaqa soo taabtay, Hugo Lloris ayaa rigoore ka badbaadiyay, kooxda martida ahna waa ay ku guuldarreysteen inay shabaqa soo taabtaan.
Tottenham
>- Son Heung-min ayaa la heer ah Dominic Calvert-Lewin, Mohamed Salah iyo Jamie Vardy oo hoggaaminaya gooldhalinta horyaalka ka hor kulammada isbuucaan, iyagoo leh mid siddeed gool. Rikoorka Premier League ee goolasha ugu badan ee koox ay dhalisay sagaal kulan oo xilli ciyaareed ah waa 10 gool oo uu u dhigay Les Ferdinand kooxda Newcastle kal ciyaareedkii 1995-96.
>- Jose Mourinho ayaa laga badiyay shan kulan oo horyaalka ah isaga oo tababare ah kana hor yimid kooxda Man City.
>- Mourinho ayaa doonaya inuu guul ka gaaro kulammo is xig xiga ee tartamada rasmiga ah oo uu ka horyimaado Pep Guardiola markii ugu horreysay.
Manchester City
>- Manchester City ayaa guuldarro la kulantay mid ka mid ah 12-kii kulan oo ay ciyaartay tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Yeelkeede, 12 dhibcood oo ay heleen waa heerkii ugu hooseeyey oo ay helaan kaddib todobo kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League tan iyo fasal ciyaareedkii 2008-09 markaasoo ay ka hoos ciyaarayeen Mark Hughes.
>- Waxa ay dhaliyeen kaliya 10 gool todobadii kulan ee ugu horreeyey oo ay ciyaareen horyaalka Premier League, marka la barbar dhigo 27 cajiib ah isla marxaladda xilli ciyaareedkii hore.
>- Man City ayaa guuldarro la kulantay shan ka mid ah todobadii kulan ee Premier League oo ay booqdeen kooxaha lixda sare ah, kulamadaasoo ay ku jiraan mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee la soo dhaafay.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-