Horudhac: Tottenham Hotspur vs Chelsea… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee London Derby)

0
231

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Labada Tababare ee Jose Mourinho iyo Thomas Tuchel ayaa is wajahaya markoodii ugu horreysay abid, iyadoo Kooxda Tottenham Hotspur ay soo dhoweynayso Chelsea kulanka caasimadda ee loo yaqaan London Derby.

Labada Kooxood waxay ka hadlayeen sheekada ah ku guuleysiga horyaalka intii lagu jiray bilowgii xilli ciyaareedkan 2020-21, laakiin Spurs iyo Blues labaduba waxay haatan u muuqdaan inay diiradda saarayaan afartooda sare ee Premier League.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 7-aad, halka Tottemhan ay ku jirto kaalinta 6-aad ka hor kulankooda caawa, waxaana Spurs ay gacanta ku haysataa kulan baaqi u ah, inkastoo labada kooxood ay wadaagaan haatan min 33-dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Tottenham Hotspur Stadium

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Wararka kooxaha:-

Tanguy Ndombele waa inuu diyaar u ahaadaa Tottenham kulankan inkastoo dhaawac looga saaray ciyaartii Brighton.

Sergio Reguilon, Giovani Lo Celso, Dele Alli iyo Harry Kane ayaa weli maqan, maqnaanshaha kan dambe ayaa la macno ah in Carlos Vinicius uu ku soo bilaaban doono kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League.

Dhinaca kale garabka kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa soo laabtay kaddib markii la nasiyay kulankii Burnley ee Axaddii.

Kurt Zouma iyo Kai Havertz ayaa qaba shakiyo dhaawac, waana la qiimeyn doonaa xaaladdooda.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Chelsea ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) afartii kualn ee la soo dhaafay oo ay horyaalka Premier League la ciyaartay Tottenham, waxaana ay shabaqooda gool ka ilaashadeen saddex ka mid ah kulammadaas, iyagoo Spurs ka haysta 3 Guul iyo 1 barbaro.

>- Spurs ayaa guuldarrooyin is xiga garoonkeeda kala kulmi karta Chelsea markii ugu horreysay tan iyo markii ay saddex guuldarro gurigooda kula kulmeen iyagoo ka horjeeday Blues intii u dhexeysay 2004 iyo 2005, markaasoo tababaraha haatan ee Tottenham, Jose Mourinho uu majaraha u hayey kooxda Chelsea.

Tottenham Hotspur

>- Spurs ayaa guuldarro la kulmi karta saddex kulan oo xiriir ah ciyaaraha sare ee horyaalka, markii ugu horreysay tan iyo bishii November ee sanadkii 2012-kii.

>- Tottemhan waa kooxda kaliya ee aan guuldarreysan kulan London Derby ah xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, inkastoo ay barbaro galeen afar ka mid ah shanta ciyaarood oo noocaas ah.

>- Jose Mourinho ayaa halis ugu jira inuu lumiyo ama guuldarro la kulmo labo kulan oo xiriir ah horyaalka iyadoo lagu ciyaarayo garoonka kooxdiisa markii ugu horreysay xirfaddiisa Tababarenimo.

Chelsea

>- Chelsea ayaa u dooneyso inay diiwaan gashato guulo xiriir ah oo horyaalka Premier League ah markii labaad xilli ciyaareedkan.

>- The Blues ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti ahaayeen, waana guuldarrooyin ka badan intii ay la kulmeen 16-kii kulan ee markaas ka horreeyay.

>- Chelsea ayaa laga dhaliyey 50 gool oo Premier League ah iyadoo ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay,wadar ahaan waxaa ka sare maray oo kaliya Kooxda Newcastle.

>- Thomas Tuchel ayaa noqon kara tababarihii ugu horreeyey ee Chelsea kaasoo shabaqiisa gool ka ilaashada mid kasta oo ka mid ah saddexdiisa kulan ee ugu horreeyey horyaalka, tan iyo Jose Mourinho oo sidaasi sameeyey bishii Agoosto ee sanadkii 2004.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-