Horudhac: Real Valladolid vs Barcelona… (Blaugrana oo baadi goobeysa inay wadada guusha La Liga dib ugu soo laabato)

0
148

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa eegeysa inay wadada guusha ee horyaalka La Liga dib ugu soo laabato, marka ay la ciyaarayaan caawa naadiga Real Valladolid.

Kooxda Tababare Ronald Koeman ayaa haatan fadhiya kaalinta shanaad ee horyaalka La Liga, kaddib markii ay barbaro 2-2 la galeen Valencia Sabtidii, halka Valladolid ay dhibic fiican ka heshay Sevilla.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Talaado 22 Dis 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 00:00 Habeennimo saqda dhexe xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Jose Zorrilla

Wararka Kooxaha:-

Joaquin Fernandez ayaa qaba dhaawac yar, taas oo keeni karta in El Yamiq uu soo galo daafaca dhexe ee kooxda martida loo yahay.

Raul Garcia ayaa la filayaa in laga door-bido Nacho daafaca bidix ee Real Valladolid kulankan.

Sergi Guardiola ayaa la filayaa inuu soo galo booska Marcos Andre, halka Ruben Alcaraz la filayo inuu khadka dhexe ka bedelo Fede San Emeterio.

Ronald Koeman ayaa la rajeynayaa inuu ku adkeysto wada shaqeynta daafaca dhexe ee Oscar Mingueza iyo Ronald Araujo kaddib maqnaanshaha Gerard Pique.

Frenkie De Jong waa inuu ku soo laabtaa khadka dhexe, isagoo buuxinaya booska Philippe Coutinho.

Martin Braithwaite ayaa la filayaa inuu sii haysto booskiisa weerarka Barcelona, iyadoo Pedri uu sii wadan doono ka ciyaarista booska khadka dhexe.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guuleysatay 12 ka mid ah 13-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Real Valladolid tartammada oo dhan.

>- Catalans ayaa afar kulan oo xiriir ah guul ka haysta kooxdan ay caawa martida u yihiin.

>- Tan iyo 2007-dii kooxda martida loo yahay waxay ku dhaliyeen wadar ahaan labo gool goobtaan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-