Horudhac: Real Madrid vs Real Sociedad… (Los Blancos oo kusii socota waddada ku guuleysiga horyaalka La Liga)

0
377

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa caawa kulan ka tirsan horyaalka La Liga kula balansan naadiga Real Sociedad iyadoo kooxda Macallin Carlo Ancelotti dadaal dheer ugu jirta inay hanato horyaalka dalka Spain.

Los Blancos ayaa hoggaanka La Liga ku heysa 60 dhibcood iyadoo ciyaartay 26 kulan waxayna shan dhibcood ka sarreysaa kooxda kusoo xigta ee Sevilla oo 55 dhibcood leh kaddib 27 kulan, halka La Real ay ku jirto kaalinta lixaad iyadoo 26 kulan kaddib heysata 44 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

Garsooraha: Jose Munuera (Spain)

Wararka Kooxaha:

Macallinka Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay inuu heysto saf ku dhowaad dhammeystiran, waxaana ka maqan kaliya xiddigaha khadka dhexe ee Toni Kroos iyo Federico Valverde.

Dhinaca kale, caksiga Madrid, Real Sociedad ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka dhaawacyada ah, waxaana ka maqan Ander Barrenetxea, Adnan Januzaj, Aihen Munoz, Nacho Monreal, Diego Rico iyo Carlos Fernandez balse waxaa usoo laabanaya Igor Zubeldia oo seegay kulankii ugu dambeeyay.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Real Madrid:

Real Sociedad: