Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta Real Madrid iyo Barcelona ayaa caawa ku dagaallami doona kulanka ugu xiisaha badan horyaalka La Liga ee loo yaqaano El Clasico xilli labada naadi ay ku jiraan qaab-ciyaareed heer sare ah.
Los Blancos ayaa hoggaanka u heysa horyaalka La Liga haatan iyadoo leh 66 dhibcood kaddib 28 kulan halka Barca oo ciyaartay 27 kulan ay leedahay 51 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta afaraad.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu
Garsooraha: Juan Martinez (Spain)
Wararka Kooxaha:
Dhabar-jabka ugu weyn ee ay Real Madrid la kulmeyso waa maqnaashaha weeraryahankeeda Karim Benzema kaasoo dhaawac ku seegaya kulankan, si la mid ah waxaa ciyaartan ka maqnaan doona Ferland Mendy taasoo culeyska kusii badineysa Macallin Carlo Ancelotti.
Dhinaca kale, Barcelona ayaa ka walaacsan dhaawaca cusub ee Sergino Dest kaasoo diiwaanka dhaawacyada kula biiray Ansu Fati, Samuel Umtiti, Alejandro Balde iyo Sergi Roberto balse waxaa Macallin Xavi Hernandez usoo laabanaya Nico Gonzalez oo ganaax ku seegay ciyaartii Osasuna.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:
Kaddib guushii kulankii nus-dhammaadka tartanka Spanish Super Cup ee dhacay bishii January ee sanadkan 2022, Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee taariikhda El Clasico gaarta 100 guul tartammada oo dhan.
Real Madrid ayaa sidoo kale garaacday Barcelona shantii kulan ee ugu dambeysay tartammada oo dhan.
Barcelona ayaanan guuldarro la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay La Liga oo ay bannaanka kusoo ciyaartay iyadoo shan guul gaartay shanta kalena barbarro gashay, sagaal ka mid ah kulammadaasna waxaa hoggaaminayay Xavi Hernandez.
Ma jirto koox ka ciyaarta shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Yurub oo la kulantay guuldarrooyin ka yar inta ay Real Madrid la kulantay tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii hore waxaana soo gaaray lix kulan iyadoo ay la simman tahay Inter Milan.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Real Madrid:
Barcelona: