Horudhac: RB Leipzig vs Liverpool… (Labada kooxood oo caawa Champions League ku wada ciyaaraya dalka Hungary)

0
192

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Garoonka Puskas Arena ee ku yaalla Magaalada Budapest ee dalka Hungary ayaa marti gelin doona lugta hore ee waregga 16-ka Champions League, kaasoo u dhexeeya caawa Kooxaha RB Leipzig iyo Liverpool.

Waa kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah kaasoo labadaan kooxood ku dhex mara garoon dhex-dhexaad ah sababtuna waa caabuqa Korona Fayras.

Liverpool ayaa doonaysa inay ka faa’iideysato maqnaanshaha Leipzig ee garoonkeeda labada lugood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Puskás Aréna

Garsooraha: Slavko Vincic (Slovenia)

Wararka kooxaha:-

Bartilmaameedka Kooxda Liverpool ee Ibrahima Konate ayaa ka soo laabtay dhaawac uu ku maqnaa kulankii ay RB Leipzig guusha 2-1 ka gaartay Augsburg, sidoo kale bartilmaameedka kale ee Liverpool, Dayot Upamecano ayaa isaguna go’aansaday inuu ku biiro Bayern Munich xagaagan.

Justin Kluivert ayaa taam ahaa waxaana uu boos ka helay kursiga keydka kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa, laakiin Emil Forsberg ayaa sii joogteyn doona maqnaanshihiisa, xiddiga kooxda ku soo biiray Janaayo ee Dominik Szoboszlai ayaa weli ku jira dib u hagaajin, Konrad Laimer iyo Benjamin Henrichs ayaa sidoo kale dhaawacyo qaba.

Peter Gulacsi ayaa shan sano ku qaatay Liverpool inkastoo uusan u safan kooxda waa weyn, laakiin waxa uu heli doonaan fursad uu ku wajaho kooxdiisii hore.

Yussuf Poulsen ama Alexander Sorloth ayaa wehelin doona Christopher Nkunku afka hore ee xiddigaha wajahaya Liverpool.

James Milner iyo Fabinho midkoodna tababar ma uusan sameynin Isniintii, waxayna u muuqdaan kuwa seegaya kulankan, kan dambe ayaa Liverpool maqnaanshihiisu ku noqon doontaa halis weyn.

Ozan Kabak waa inuu sii heystaa booskiisa inkastoo qalad uu sameeyey kulankiisii ugu horreysay kooxda oo uu ka hortagay Leicester, halka Ben Davies oo yimid maalintii ugu danbeysay uu yahay dooq kale oo uu haysto Klopp.

Naby Keita ayaa ku soo laabtay tababarka, laakiin Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in xiddigii hore ee khadka dhexe RB Leipzig aanu u safri doonin si uu u wajaho kooxdiisii hore.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kani waa kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah oo dhexmara Kooxaha RB Leipzig iyo Liverpool, si kastaba kani waa kulankii saddexaad oo RB Leipzig ay UEFA Champions League ku wajahdo koox Ingiriis ah tan iyo bilowgii 2020, waxaana ay wajaday Tottenham wareegga 16-ka, kulankaasoo cel-celis ahaan ku dhammaaday 4-0 iyo kulankii xilli ciyaareedkan heerka guruubyada ay Manchester United la ciyaartay waxaana ay uga la soo kulankii bannaanka guuldarro 5-0, halka ay guul 3-2 ku heshay garoonkeeda.

>- Liverpool ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ay booqatay kooxaha Jarmalka, tartammada oo dhan, waxaana ay ka haysataa 3 guul iyo 2 barbaro, guuldarradii ugu dambeysay ee kooxaha Jarmalka ka soo gaarta waxa ay ahayd bishii April 2002, waxaana ay wajaheen Bayer Leverkusen wareegga siddeed dhammaadka UEFA Champions League kulan looga soo badiyey 4-2.

>- Marka kaliya oo ay RB Leipzig ka soo muuqatay wareegga bug baxa UEFA Champions League, waxa ay ahayd xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay gaareen afar dhammaadka tartankan, halka Liverpool ay doonayso inay gaarto Final-ka tartankan saddex jeer afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.

>- RB Leipzig ayaa guuldarro la’aan ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartanka UEFA Champions League waxa ay guuleysteen 5 kulan, halka ay barbaro galeen kulanka kale.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-