(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Liverpool ayaa soo bandhigtay wax lama iloobaan ah iyo taariikh sanadka 2020, waxaana ay caawa booqanaysaa garoonka St James ‘Park, iyadoo kooxda horyaalka haysata horyaalka ay la ciyaari doonto Naadiga Newcastle United.
Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaysa inay ku soo laabato wadada guusha kaddib barbaro niyad jab leh oo ay la galeen West Bromwich Albion kulankii ugu dambeeyay.
Yeelkeede, Kooxda Newcastle United ayaan haatan wax guul ah gaarin afar kulan tartammada oo dhan.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: St James ‘Park
Garsooraha: Paul Tierney (England)
Wararka kooxaha:-
Newcastle United ayaan qabin walwal cusub oo dhaawac ah, inkastoo Jonjo Shelvey iyo Ryan Fraser ay weli dhaawacan yihiin.
Allan Saint-Maximin iyo Jamaal Lascelles ayaa wali ka soo kabanaya Korona Fayras, laakiin Martin Dubravka ayaa soo laaban kara kulanka Leicester City.
Liverpool ayaa wajaheysa isku shaandheyn kale oo dhanka daafaca ah kaddib markii Joel Matip uu soo gaaray dhaawac cusub kulankii West Bromwich Albion.
Thiago ayaa ku dhow inuu ka soo laabto dhaawac jilibka ah, laakiin uma badna in qatar la galin doono.
Xaqiiqooyinka Ciyaartan:-
Fool Ka Fool
>- Newcastle United ayaa laga yaabaa inay lumiso lix kulan oo isku xiga oo Premier League ah markii ugu horeysay, waxay sidoo kale noqon kartaa markii ugu horreysay ee Liverpool ay ku soo badiso saddex kulan oo horyaalka oo xiriir ah garoonka St James ‘Park.
>- Kooxda Newcastle United ayaa laga badiyay rikoorkeeda naadi 77 kulan oo Premier League ah iyagoo la ciyaaray Liverpool.
Newcastle United
>- Newcastle ayaan shabaqeeda gool ka ilaashan 11 kulan oo hroyaalka Premier League ay ciyaartay garoonkeeda, waxaa laga dhaliyey 22 gool tan iyo markii ay 3-0 kaga adkaadeen Sheffield United bishii June.
>- The Magpies ayaa guuleysatay saddex ka mid ah todobadeedii kulan ee ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka, waxa ay barbaro galeen hal kulan, iyagoo guuldarro la kulmay saddex kale.
>- Newcastle ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Premier League oo ay gurigooda kula ciyaaraan kooxda markaas difaacaneysa horyaalka.
Liverpool
>- Liverpool ayaa laga badiyay afar kulan oo Premier League ah sanadka 2020, waana in la mid wadar ahaan intii laga adkaaday sanadihii 2018 iyo 2019.
>- Reds ayaa laga dhaliyay 20 gool oo Premier League ah 15 kulan oo ay ciyaareen, waxay ku qaadatay 28 ciyaarood inay ku ogolaadaan in laga dhaliyo 20 gool xilli ciyaareedka 2019-20.
>- Waxa ay badiyeen kaliya afar ka mid ah 13-kii kulan ee ugu danbdeeyay Premier League ee ay marti ahaayeen, shan barbaro ayay galeen afarna waa laga badiyay.
>- Kulanka ugu dambeeya Liverpool ee sanadka ayay ku dhammaysanaysay guul lix xilli ciyaareed oo xiriir ah caawana waxa ay doonaysaa inay guul ku soo xirto sanadka 2020.
>- Mohamed Salah ayaa dhaliyey 23 gool oo horyaalka Premier League sanadkan 2020, waana in ugu yaraan shank a badan ciyaaryahan kasta oo kale.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-