Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulan adag oo qeyb ka ah wareega siddeed dhamaadka koobka aduunka 2022 ayaa ka dhacaya garoonka Al Thumama Stadium maqribnimada maanta oo Sabti ah, kaddib marka ay is wajahaan xulalka Morocco iyo Portugal.
Haatan waxa ay labada xul u dagaalamayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen afar dhamaadka, wiilasha Morocco ayaa rigoorayaal kaga soo adkaaday xulka qaranka Spain, halka Portuguese ay 6-1 ku soo xasuuqeen Switzerland kulankii wareega 16-ka.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Al Thumama Stadium
Garsooraha: Facundo Tello (Argentina)
Wararka Xulalka:-
Cristiano Ronaldo oo ah ciyaaryahanka ugu safashada iyo goolasha badan xulka qaranka Portugal ayaa si layaab leh ugu soo biloowday kursiga keydka kulankii Switzerland, wuxuuna tababare Fernando Santos u xushay booskiisa dhanka weerarka Goncalo Ramos, kaasoo dhaliyay saddexleey.
Fernando Santos ayaa sidoo kale ka saaray Joao Cancelo kulankii Switzerland, isagoo ka door biday Raphael Guerreiro oo daafaca bidix ah iyo Diogo Dalot oo dhanka midig ah, waxaana laga yaabaa in xulushadaas aysan waxba iska bedelin, kulanka maanta.
Dhinaca Morocco, tababaraha xulka Moroco ee Walid Regragui ayaa qaba walaac ku saabsan dhaawacyo ay qabaan qaar ka mid ah xiddigihiisa muhiimka ah oo uu ka mid yahay difaaca kooxda West Ham United Nayef Aguerd, oo uu dhaawac soo gaaray ciyaartii Spain.
Sidoo kale kabtanka xulka qaranka Morocco ee Romain Saiss ayaa iska kulankaas ku dhameystay isagoo ay u duuban tahay muruqa lugtiisa bidix. Intaas waxaa dheer, Sofyan Amrabat waxa uu ku ciyaaray xanuun dhanka dhabarka ah.
Laakiin haddii ay dhamaantood diyaar yihiin, gaar ahaan dhanka weerarka ay hogaaminayaan saddexda weerar ee Sofiane Boufal, Hakim Ziyech iyo Youssef En-Nesyri ayaa u ekaan doona mid la mid ah kuwii meesha ka saaray La Roja.
Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-
Morocco XI: Bounou; Hakimi, Saiss, Aguerd, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal
Portugal XI: Costa; Dalot, Pepe, Dias, Guerreiro; B. Silva, Carvalho, Otavio; Fernandes, Ramos, Felix.