Horudhac: Manchester United vs West Ham United… (Red Devils oo tartan ugu jirta inay soo yareyso dhibcaha City & Hammers oo ugaarsanaysa afarta sare ee Premier League)

0
223

Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, iyadoo 17-dhibcood ka dambeysa hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Manchester City.

Red Devils ayaa sidoo kale fadhisa meel lix dhibcood ka sarreysa kooxda ay caawa la ciyaarayaan ee West Ham United, kuwaasoo dhankooda ugaarsi ugu jira inay ka mid noqdaan afarta sare ee horyaalka Premier League.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Chris Kavanagh (England)

Wararka kooxaha:-

Manchester United ayaa laga yaabaa inay haysato weeraryahanno liita, maadaama Anthony Martial uu sinta ka dhaawacmay ciyaartii AC Milan, halka Marcus Rashford iyo Edinson Cavani la filayo inay seegaan kulankaan.

Maqnaanshahooda ayaa sababi kara in kulankiisii ugu horreeyay ee horyaalka uu u safto da’yarka Amad Diallo.

David De Gea ayaa ka soo laabtay Spain kaddib dhalashada cunugiisa koowaad, laakiin ma cada in muddadiisa karantiilku dhammaan doonto ka hor kulanka caawa.

Xiddiga amaahda ah ee West Ham, Jesse Lingard ayaan wajihi karin kooxda milkiyaddiisa leh ee Man United.

Angelo Ogbonna ayaa sidoo kale maqan, halka Ryan Fredericks, Arthur Masuaku iyo Andriy Yarmolenko shaki laga gelinayo kulankan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Kani waxa uu noqon doonaa kulankii 50-aad ee ay ku kulmaan horyaalka Premier League, Manchester United ayaa guuleysatay 29 ka mid ah kulammadaas, halka West Ham ay badisay kaliya todoba kulan.

>- Manchester United auaa eegeysa inay dhammaystirto inay markii ugu horreysay minin iyo marti u garaacdo horyaalka kooxda West Ham tan iyo fasal ciyaareedkii 2013-14, markaasoo uu kooxda hoggaaminayey David Moyes.

>- West Ham ayaan wax guul ah gaarin 12-kii kulan ee ugu danbeeyay ee Premier League oo ay u safreen garoonka Old Trafford, saddex barbaro ayay galeen sagaalna waa laga badiyay.

>- Kani waxa uu noqon doonaa markii saddexaad oo ay labadaan kooxood kulmaan xilli ciyaareedkan, Man United ayaa guuleysatay bishii December ciyaar ku dhammaatay 3-1, kaddibna waxa ay West Ham ka reebeen tartanka FA Cup-ka markii ay hal gool dhaliyeen kulan waqti dheeri ah la isla aaday wareeggii shanaad ee tartankan.

Manchester United

>- Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) 12 kulan tartammada oo dhan, waxaana ay guuleysteen shan kulan, halka ay barbaro galeen todobo kulan.

>- Waxa ay kaliya guuldarro la kulmeen hal jeer 22-kii kulan ee la soo dhaafay oo ay ciyaareen horyaalka Premier League, iyagoo guuleystay 13 kulan, isla markaana barbaro galay siddeed kulan oo kale.

>- Dhammaan afarta guuldarro ee xilli ciyaareedkan horyaalka ku soo gaaray Red Devils ayaa yimid iyadoo lagu ciyaarayay garoonka Old Trafford.

>- Man United ayaa eegeysa markii ugu horreysay inay shabaqooda gool ka ilaashadaan afar kulan oo xiriir ah horyaalka iyadoo ka hoos ciyaareysa Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

>- Bruno Fernandes ayaa gacan ka geystay 41 gool 42 kulan oo uu saftay horyaalka Premier League, waxa uu dhaliyey 24 gool, isagoo caawiyey 17 gool oo kale.

West Ham United

>- Hammers ayaa heshay 26 dhibcood 12-kii kulan ee la soo dhaafay, waxayna shan dhibcood ka badan tahay Manchester United.

>- Waxay leeyihiin 48 dhibcood kaddib 27 kulan oo horyaalka ah – waa labo jibaar dhibicii ay heysteen xilligaan oo kale xilli ciyaareedkii hore.

>- West Ham ayaa barbareyn karta rikoorkeeda kooxda ee Premier League oo ah toddobo guul oo ay ku soo badiyeen meel ka baxsan garoonkooda xilli ciyaareedkiiba.

>- Afartoodii guuldarro ee Premier League oo ay kula soo kulmeen bannaanka xilli ciyaareedkaan waxay kala ahaayeen; Arsenal, Liverpool, Chelsea iyo Manchester City.

>- David Moyes ayaan weli wax guul ah ku gaarin garoonka Old Trafford isagoo tababare ah 14 kulan oo isku day ah, afar barbaro ayuu ku soo galay, 10 kulanna waa looga soo badiyay tartammada oo dhan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-