Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Macallin Jose Mourinho ayaa dib ugu laabanaya garoonka Old Traffrod caawa oo Axad ah, marka ay Kooxdiisa Tottenham Hotspur ay wajahayso kooxdiisii hore ee Manchester United kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League.
Man United ayaa guul isku xiga ka soo gaartay Kooxda Brighton & Hove Albion todobaadkii la soo dhaafay, halka Spurs ay ilaa iyo hadda si wanaagsan ula qabsatay jadwalka ciyaaraha.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Axad 04 Okt 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 06:30 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Old Traffrod
Garsooraha: Anthony Taylor (England)
Wararka Kooxaha:-
Xiddiga Kooxda Manchester United ee Harry Maguire ayaa diyaar ah inkastoo uu canqawga ka dhaawacmay ciyaartii Premier League ee ay ka badiyeen Brighton Sabtidii la soo dhaafay.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaan wax walwal ah ka qabin taam ahaanshihiisa shaxdiisa.
Macallinka kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaan gebi ahaanba meesha ka saarin fursadaha uu Son Heung-min ku soo kaban karo kaddib dhaawac muruqa ah oo uu la maqnaa.
Giovani Lo Celso ayaa shaki uu ku jiraa sababo la xiriira dhaawac aan la cayimin, halka Gareth Bale uusan wali diyaar u ahayn inuu ciyaaro.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Kooxda Manchester United ayaan laga badinin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka ay ku kulmeen Spurs.
>- The Red Devils ayaa kaliya guuleysatay kulammo badan oo Premier League oo ay wajahday Everton marka loo eego 35 guul oo ay ka gaareen Spurs.
>- Ma jiro wax barbaro ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ka dhacay garoonka Old Trafford oo u dhexeeyau kooxahaan.
>- Tottenham lixdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kaga badisay Manchester United meel ka baxsan garoonkeeda waxaa dhammaantood hoggaaminayey macallimiin kala duwan, taasoo dib ugu soo laabanaysa Bill Nicholson bishii Maarso sanadkii 1974-kii.
Manchester United
>- Manchester United ayaa doonaysa inay iska ilaaliso inay lumiso labadeeda kulan ee furitaanka garoonkooda xilli ciyaareedka horyaal kaliya markii shanaad iyo markii ugu horreysay tan iyo kal ciyaareedkii 1986-87.
>- Markii ugu dambeysay ee laga dhaliyay goolal badan saddexda kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareed sare waxay ahayd fasal ciyaareedkii 1972-73.
>- Kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole Gunnar Solskjaer ayaa shabaqa soo taabatay 15 kulan oo isku xiga horyaalka Premier League, waana rikoorka ugu dheer ee haatan ee horyaalka.
Tottenham Hotspur
>- Tottenham ayaa badisay kaliya saddex ka mid ah 30-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League oo ay marti u ahaayeen kooxaha kale ee top-six la isku yiraahdo ama lixda sare.
>- Spurs labadii kulan ee ay shabaqeeda ilaashatay 27-keedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda waxay la ciyaartay kooxaha heerka labaad u dhacday ee Watford iyo Bournemouth.
>- Macallin Jose Mourinho ayaa guuldarro la’aan lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo uu booqday horyaalka kooxihii uu soo maamulay.
>- Yeelkeede, Mourinho ayaa kaliya saddex guuldarro la kulmay 22-kiisa kulan ee uu wajahay kooxda Manchester United tartammada oo dhan, dhammaan saddexdaas guuldarro ayaana ku soo gaaray garoonka Old Trafford, wuxuuna markaas kala watay Chelsea, Inter Milan iyo Spurs.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-