Kooxda martida loo yahay ayaa si hufan u xaqiijin doonta afarta sare xilli ciyaareedka soo socda kaddib guul ay ka gaaraan cadawgooda ugu weyn, halka Liverpool ay shaqo badan u taallo inay qabato, maadaama ay doonayso inay xaqiijiso sidii ay lafteedu ugu soo bixi lahayd tartanka Champions League fasal ciyaareedka soo aaddan.
Haddii kulanka maanta ay adkaato Kooxda Liverpool, markaas waxaa ku guuleysiga horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan loo caleemo saari doonaa Manchester City.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Old Trafford
Garsooraha: Michael Oliver (England)
Wararka kooxaha:-
Man United ayaa dib ugu yeeri doonta goolhaye Dean Henderson kulankan kaddib markii David de Gea uu ku soo bilowday kulankii dhowaa ee Europa League oo ay guusha ka gaareen Roma.
Kooxda Man United waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona kulankan labada ciyaaryahan ee Anthony Martial iyo Phil Jones.
Liverpool ayaan wax walaac ah ka qabin taam ahaanshaha xiddigaheeda, laakiin daafaca dhexe ee Nathaniel Phillips ayaa markale laga yaabaa inuu maqnaado sababo la xiriria dhaawac muruqa ah.
Xiddigaha waqtiga dheer maqan ee Jordan Henderson, Joel Matip, Joe Gomez iyo Virgil van Dijk ayaa weli ka sii maqnaan doona kooxda Reds.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool ka fool
>- Manchester United ayaa guuldarro la kulantay kaliya hal jeer 15-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay Liverpool tartammada oo dhan, waxaana ay ka haystaa 10 guul iyo 4 barbaro, iyagoo aan la garaacin siddeedii kulan ee la soo dhaafay.
>- Minin iyo Marti, Man United ayaa guuleysatay kaliya hal jeer, sagaalkii kulan ee la soo dhaafay oo ay la ciyeereen Reds, waxaana ay kala kulmeen 6 Barbaro iyo 2 Guuldarro.
>- Waxaa jiray 175 kulan oo horyaalka ah oo dhaxeeyey kooxahan, natiijada ugu badan ee ka soo baxdayna waxa ay ahayd barbaro 0-0 ah, taasoo dhacday 20 jeer.
Manchester United
>- Haddii ay Man United ka fogaato guuldarro soo gaarta, waxa ay noqon doontaa inaan dhinaceeda dhulka la barin 14 kulan oo xiriir ah horyaalka, waxaana ay barbareyn doontaa rikoorkii guuldarro la’aanta horyaalka ee ugu dheeraa intii ay ka hoos ciyaareysay tababare Ole Gunnar Solskjaer, kaasoo uu dhigay 14-kii kulan ee ugu dambeeyey xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
>- The Red Devils ayaa doonaysa inay garoonkeeda ku gaarto guusheedii shanaad oo xiriir ah horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2018.
>- Manchester United ayaa loo diiwaan geliyey todobo kulan oo barbaro goolal la’aan ah (0-0) ku dhamamaday xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waana heerkoodii ugu horreeyey ciyaaraha sare ee horyaalka wadar ahaan muddo 40 sano ah, waana in ka badan koox kasta oo kale shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ka hor kulammada wareegga ugu dambeeya.
>- Kabtan Harry Maguire ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyey ee 90 daqiiqo u ciyaara Manchester United 72 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League, waxaana uu jabin doonaa rikoorkaas oo uu hore u dhigay Gary Pallister intii u dhexeysay sanadihii 1993 iyo 1995.
>- Marcus Rashford ayaa afar gool dhaliyey afartiisii kulan ee ugu dambeeyey ee kulammada horyaalka iyo koobabkaba uu garoonka Old Trafford ku wajahay kooxda Liverpool.
Liverpool
>- Liverpool ayaan guul ku gaarin garoonka Old Trafford tan iyo sanadkii 2014, iyadoo afar kulan barbaro ku soo gashay afar kalena guuldarro ka soo qaadatay siddeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay halkaas.
>- Kooxda Liverpool ayaa guuleysatay shan ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaartay horyaalka meel ka baxsan garoonkeeda, waana guulo ka badan intii ay soo gaareen 15-keedii kulan ee markaas ka horreeyey, waxaana ay haysataa 4 Guul, 6 barbaro iyo 5 Guuldarro.
>- Kooxda Merseysider-ka ayaa guul la’aan dhammaan lixdii ee ay booqatay Manchester United inta ay ka hoos ciyaareyso tababare Jurgen Klopp, waxaana ay ka soo qaadatay 4 barbaro iyo 2 Guuldarro.
>- Mohamed Salah ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyey Liverpool ee bannaanka (Away) gool kaga soo dhaliya Manchester United kulammo isku xiga hal xilli ciyaareed gudihii, tan iyo Harry Chambers oo sidaasi sameeyey 100 sano ka hor.
>- Roberto Firmino ayaa dhaliyay kaliya hal gool 14 kulan oo uu wajahay Man United, halka Sadio Mane uu hal gool dhaliyay 11 kulan oo uu ka horyimid iyaga.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-