Kulankan oo ka dhacaya garoonka Old Trafford, waa kii ugu horreeyey ee horyaalka ah oo labadan kooxood dhexmara tan iyo bishii Febraayo ee sanadkii 2004.
Marti-geliyeyaasha ayaa haatan fadhiya kaalinta lixaad ee kala horreynta Premier League, waxaana ay gacanta ku haystaan kualn baaqi u ah, halka Leeds United ay guul weyn ka gaartay Newcastle United kulankii ugu dambeeyay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Axad 20 Dis 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Old Trafford
Garsooraha: Anthony Taylor (England)
Wararka Kooxaha:-
Manchester United ayaa qabin wax dhaawacyo ah kulanka ay Leeds United soo booqanayso, iyadoo Edinson Cavani la filayo inuu dib u soo laaban doono kulankan kaddib dhaawac uu ka qaban muruqa.
David de Gea, Scott McTominay iyo Luke Shaw ayaa laga yaabaa inay ciyaaraan kaddib markii la nasiyay kulankii Sheffield United.
Leeds United waxay haysataa isla kooxdii u ciyaartay kulankii ay guusha ka gaareen Newcastle United Arbacadii.
Diego Llorente ayaa weli maqan, halka Gaetano Berardi, Adam Forshaw iyo Robin Koch ay muddo dheer maqnaan doonaan.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Kulankaan wuxuu dhacayaa sanadguuradii 90-aad ee guushii ugu weynayd ee Leeds United ay ka gaarto Manchester United, 5-0 ayeyna ku badisay markaas ciyaar ka dhacday Elland Road sanadkii 1930-kii.
>- Manchester United ayaan wax guuldarro ah kala kulmin garoonkooda iyadoo kula ciyaareysa Leeds United kulan ka tirsan horyaalka tan iyo 1981-kii, iyagoo badiyay sagaal kulan, lixna barbaro ayey galeen 15-kii kulan oo ay wada ciyaareen tan iyo markaas.
>- Kani waa kulankii ugu horreeyay ee ay labadan kooxood kulmaan tan iyo barbarihii 1-1 ee ciyaartii ka dhacday garoonka Old Trafford bishii Febraayo ee sanadkii 2004.
>- Leeds United ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee ay marti ku ahaayeen garoonka Old Trafford oo ay badiyaan waxa uu ahaa 1-0 ay ku qaadeen FA Cup-ka bishii Janaayo ee sanadkii 2010-kii.
>- Red Devils ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League ay la ciyaaraan Leeds, waxaana ay ka haystaan siddeed guul iyo afar barbaro.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-