Horudhac: Manchester City vs Brighton & Hove Albion… (Sky Blue oo caawa indhaha ku haysa inay sii dheereysato guulaheeda)

0
191

Labada kooxood ayaa u soo gudbay todobaadkan wareegga afaraad ee FA Cup, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay si xarago leh uga soo gudubtay Birmingham City, halka Brighton ay rigoorayaal ku reebtay kooxda heerka labaad ee Newport County.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Darren England (England)

Wararka kooxaha:-

Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaan la heli karin kulankan, maadaama uu karaantiil ku jiro kaddib markii uu xiriir la sameeyey qof qaba Korona Fayras.

Ederson ayaa ciyaari kara kulankiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ku dhacay qaabuqa, laakiin Aymeric Laporte iyo Nathan Ake ayaa dhaawacan.

Brighton waxaa dhaawac uga maqan saddexda ciyaaryahan ee Danny Welbeck, Aaron Connolly iyo Tariq Lamptey, halka Adam Lallana uusan fiicnayn iyadoo Yves Bissouma uu ganaax ku maqnaan doono.

Steven Alzate ayaa ka soo laaban kara xanuun uu la maqnaa.

Alireza Jahanbakhsh ayuu dhaawac fudud  soo gaaray, waana la qiimeyn doonaa xaaladdiisa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Manchester City ayaa guuleysatay dhammaan lixdii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay kooxdaan la ciyaartay, waxa ay dhaliyeen 20 gool, iyadoo laga dhaliyey kaliya labo gool.

>- Kooxda Brighton ayaa weligeed guuleysan kulan horyaalka ah oo ay booqatay Man City, waxaana barbaro la galeen 2 kulan, halka ay guuldarro la soo kulmeen 8 goor.

Manchester City

>- Man City ayaan laga badinin todobadii kulan ee ugu sarreysay horyaalka, iyagoo badiyay shan ka mid ah kulamadaas – oo ay ku jiraan mid kasta oo ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.

>- Iyagu ma aysan guuleysan afar kulan oo isku xigta Premier League xilli ciyaareedkii hore illaa iyo markii ay ka tanaasuleen horyaalka, iyagoo xilli ciyaareedka ku soo afjaray shan guul oo isku xigta.

>- Kaliya afar kooxood oo Premier League ah ayaa dhaliyay goolal yar qeybta labaad marka loo eego Man City xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda Pep Guardiola uu hoggaamiyo ay dhalisay 18 ka mid ah 24 gool oo ay heshay qeybta hore.

>- Man City ayaa laga dhaliyey todobo gool tan iyo bilowgii bishii October, taas oo afar gool ka yar kooxaha kale ee Premier League.

>- Ilkay Gundogan ayaa leh saddex gool afartii kulan ee ugu danbeysay ee Manchester City, kaddib 12 bilood iyo 21 kulan oo uusan lahayn wax goolal ah.

Brighton & Hove Albion

>- Kani wuxuu noqon doonaa kulankii 300-aad Brighton ee horyaalka heerka koowaad.

>- Guul ma aysan gaarin Brighton siddeedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay horyaalka heerka koowaad.

>- Brighton ayaa guul la’aan ah dhammaan 13-keedii kulan ee horyaalka Premier League ay ciyaartay bisha Janaayo 6 barbaro ayay gashay 7 kulanna waa laga badiyey, sidoo kale ma adkaanin dhammaan sagaalkii ciyaarood oo ay dheeshay maalin Arbaco ah, waxaana ay la kulantay 5 barbaro iyo 4 guuldarro.

>- Waxa ay iska dhaliyeen sagaal gool (own goals) tan iyo markii ay u soo dallaceen horyaalka Premier League sanadkii 2017-kii, waana in ka badan kooxaha kale tan iyo waqtigaas.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-