Horudhac: Liverpool vs Tottenham Hotspur… (Kulan ay wada xiiseynayaan kooxaha ku dagaallamaya afarta sare iyo kuwa ku loollamaya horyaalka)

0
241

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta Liverpool iyo Everton ayaa caawa ku balansan kulanka ugu xiisaha badan kulammada horyaalka Premier League asbuucan iyadoo kooxda martida loo yahay ay raacdo adag ugu jirto hoggaanka horyaalka halka kooxda martida ahna ay loollan xoog leh ugu jirto ka mid noqoshada afarta sare si ay xilli ciyaareedka dambe uga qayb gasho tartanka Champions League.

Reds ayaa haatan booska labaad kaga jira kala sarreynta horyaalka ingiriiska iyadoo leh 82 dhibcood waxayna dhibic ka dambeysaa kooxda hoggaanka heysa ee Manchester City, halka Spurs ay ku jirto kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 61 dhibcood, waxay iyaduna labo dhibcood ka dambeysaa kooxda booska afaraad ee Arsenal.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:45 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Anfield

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Wararka Kooxaha:

Liverpool ayaa markale qiimeyneysa taam ahaanshaha Roberto Firmino kaasoo shaki weyn la gelinayo halka Joel Matip, Jordan Henderson iyo Luis Diaz la filayo inay safka koowaad kusoo laabtaan kaddib markii keydka la fariisiyay bilawgii ciyaartii Villarreal ee Champions League.

Geesta kale, Tottenham difaaceeda Sergio Reguilon kaasoo laga yaabo inuusan markale safan xilli ciyaareedkan, sidoo kale waxaa ka maqnaan doona Matt Doherty, Oliver Skipp iyo Japhet Tanganga oo iyaguna dhaawac ku dhammeysan doona fasalkan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Liverpool ayaa kaliya hal guuldarro la kulantay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay horyaalka Premier League meetings ku wajahday Tottenham, waxayna ka gaartay 12 guul halka shan kulanna ay barbarro wada galeen.

Spurs ayaa soo af-jartay toddobo guuldarro oo si xiriir ah kaga soo gaarayay Reds tartammada oo dhan ciyaartii ay horyaalka ku wada qaateen bishii December taasoo ku dhammaatay barbarro 2-2.

Waxaa la dhigay 23 rigoore is-araggan kulammadiisa horyaalka Premier League waana in ka badan is-aragyada kale, halka goolasha la iska dhaliyay kulammadaas oo gaaraya 170 gool ay ka dhigan tahay inuu yahay is-aragga labaad ee goolasha ugu badan la isaga dhaliyay horyaalka Premier League.

Guusha kaliya ee ay Tottenham kusoo gaartay garoonka Anfield 27-kii booqasho ee ugu dambeysay waxay timid bishii May ee sanadkii 2011 markaas oo ay kusoo adkaatay 2-0, waxaana goolasha kala dhaliyay Rafael van der Vaart iyo Luka Modric.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Liverpool:

Tottenham Hotspur: