Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kulammada bug-baxda ee wareeggan 16-ka ay isku arkayaan kooxaha Liverpool iyo RB Leipzig ayaa lagu wada ciyaarayaa caasimadda dalka Hungary ee Budapest.
Liverpool ayaa caawa mataleysa minnin halka RB Lepzig ay marti noqoneyso iyadoo lugtii horena loo ciyaaray caksiga caawa.
Reds ayaa kulankan ku hoggaamineysa 2-0 oo ay lugtii hore guul ku qaadatay ciyaar ka dhacday isla garoonkaan, balse ay ku ciyaareysay summadda martida.
In labada is arag ee kulankan uu ka dhaco meel ka baxsan garoommada labada koox ay caadi ahaan ku ciyaaraan waxaa u wacan xaddidaadda isu safridda dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka oo loo xannibay sababo la xiriira cudurka Koofid-19.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Puskas Arena
Garsooraha: Clement Turpin (France)
Wararka kooxaha:-
Ozan Kabak iyo Roberto Firmino ayaa shaki laga galinayaa in kulankan ay u ciyaaraan Liverpool, balse waxaa la rajeynayaa inuu Fabinho kusoo bilawdo khadka dhexe.
Reds waxaa dhaawacyo kaga maqan Joel Matip, Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Caoimhen Kelleher.
Dhanka kale, RB Leipzig ayaa weyneysa Konrad Laimer, Dominik Szoboszlai iyo Angelino oo dhammaantood dhaawacyo qaba, halka Willi Orban shaki weyn la gelinayo.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Liverpool ayaa noqoneysa kooxdii saddexaad ee Ingiriis ah oo ay RB Leipzig marti u noqoto tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii hore, waxayna hore u wajahday Spurs iyo Man United.
Kani ayaa noqonaya kulankii 21-aad ee ay Liverpool marti galiso koox Jarmalka ka socota dhammaan tartammada Yurub, waana guuldarro la’aan 20-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti soorto koox Jarmalka ka dhisan iyadoo garaacday 16 jeer halka ay afar jeerna barbarro la gashay, waxaana xusid mudan in kulammadaas ay dhalisay 52 gool halka iyadana laga dhaliyay sagaal gool.
Kaliya afar ka mid ah 12-ka guul ee ay Leipzig ka gaartay Champions League ayaa ku dhammaaday wax ka badan farqi hal gool ah, waana 33% cel celis ahaan, balse markii ugu dambeysay oo ay gaartay guul farqiga goolasheedu ka badan yahay hal gool waxay ahayd guul ay Spurs ka gaartay ciyaar dhacday xilli ciyaareedkii hore oo kooxda Jarmalka ah 3-0 ku adkaatay.
Tan iyo markii ay Bayern Munich ku garaacday fiinaalka Champions League isagoo hoggaaminaya Borussia Dortmund xilli ciyaareedkii 2012-13, Jurgen Klopp ayaa guuldarro la’aan ah saddex jeer oo uu ka hor tagay koox Jarmal ah, waxaana uu guuleystay labo jeer, se waxaa xusid mudan in dhammaan saddexaad kulan ay ka tirsanaayeen wareegga 16-ka.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-