Horudhac: Juventus vs Inter Milan… (Bianconeri oo dooneysa inay soo noolleyso rajadeeda usoo bixitaanka UCL xilli ciyaareedka dambe)

0
235

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Naadiga hanatay horyaalka Serie A ee Inter Milan ayaa caawa booqaneysa kooxdii tartankan ku guuleysaneysay sagaalkii xilli ciyaareed ee ka horreeyay fasalkan ee Juventus kulanka loo yaqaano Derb Di Italia.

Bianconeri ayaa ciyaartii ugu dambeysay ee ay horyaalka ku ciyaartay garoonkeeda guuldarro kala kulantay naadiga AC Milan taasoo badday inay lumiyaan booskii ay ku kasban lahayd inay usoo baxdo tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe, waxaana ay caawa dooneysa inay garaacdo Nerazzuri ciyaarta ugu xiisaha badan Serie A fasalkan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Gianpaolo Calvarese (Italy)

Wararka kooxaha:-

Tababare Andrea Pirlo ayaa heysta saf taam ah iyadoo xiddigihii shakiga la gelinayay ee Merih Demiral iyo Federico Chiesa ay diyaar u yihiin ciyaartan.

Dhinaca kale Inter Milan ayaa la rajeynayaa inay ku ciyaarto safkeedii joogtada ahaa, waxaana dhaawacyo kala duwan ciyaartan ku seegaya Arturo Vidal iyo Aleksandar Kolarov.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Kulankan ayaa noqon doonaa kii 176-aad ee aym Juventus iyo Inter Milan isku arkaan Serie A, waana kulankii 88-aad ee ay ku ciyaarayaan magaalada Turin, Bianconeri ayaana adkaatay 60 ka mid ah 87-dii ciyaarood ee ay hore horyaalka ugu ciyaareen gobolka Piedmont, iyadoo Nerazzuri ay heshay 11 guul, halka 16 barbarro ay galeen.

Inter Milan ayaa guuldarro la’aan ah qaybta labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan iyadoo guuldarradii ugu dambeysay ay kasoo gaartay naadiga Sampdoria 6-dii January, balse, si kastaba ha ahaatee, Inter gool way ka dhalin weysey Juve shantii ciyaarood ee ugu dambeysay oo ay Serie A ku booqatay garoonka Allianz Stadium.

Inter ayaa ah kooxda saddexaad ee ugu wanaagsan weerarka horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan iyadoo dhalisay 82 gool, waxaa ka badan oo qura Atalanta oo dhalisay 86 gool iyo Napoli oo dhalisay 83 gool, halka kooxda Macallin Antonio Conte ay heysato rikoorka difaacashada ugu wanaagsan horyaalka fasalkan maadaama laga dhaliyay kaliya 31 gool, waana in ka yar afar tirada goolasha laga dhaliyay Juve.

Juventus ayaa laga dhaliyay ugu yaraan hal gool mid kasta oo ka mid ah 13-kii ciyaarood ee lasoo dhaafay dhammaan tartammada, waana rikoorkeedii ugu liitay ee shabaq difaacasho tan iyo 1955 xiligaas oo 21 ciyaarood si xiriir ah gool loogaga dhaliyay.

Inter Milan oo dhalisay 14 iyo Juventus oo dhalisay 13 ayaa ah labada naadi ee goolasha ugu badan ku dhaliyay madaxa xilli ciyaareedkan horyaalka Taliyaaniga, halka Nerazzuri ay heysato rikoorka kooxda goolasha ugu yar madaxa looga dhaliyay Serie A fasalkan waana saddex, se waxaa la simman naadiga Spezia.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-