Bianconeri ayaa u baahan inay ka gudubto wareegga 16-ka sanadkii labaad oo isku xiga, Bianconeri ayaa isha ku haysa inay ka gudubto dhibaatooyinka dhaawacyada iyo qaab aan isku habbooneyn kulanka ka dhacaya Turin si ay ugu gudubto wareegga xiga.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Allianz Stadium
Garsooraha: Bjorn Kuipers (Netherlands)
Wararka kooxaha:-
Cristiano Ronaldo oo la nasiyey qeybta hore ee kulankii isbuucaan ayaa ku soo laaban doona safka hore ee kooxda kulanka muhiimka ah ee ay Talaadada caawa la ciyaarayaan Naadiga FC Porto ee Champions League.
Arthur wuxuu helay 30 daqiiqo isbuucaan, kulankiisii ugu horreeyay muddo bil gudaheed ah oo si weyn ugu tiirsan kooxda Serie A ka dheesha.
Leonardo Bonucci iyo Weston McKennie ayaa sidoo kale ku soo laaban doona safka hore ee kooxda wajahaysa FC Porto kaddib markii ay kursiga keydka ka soo baxeen kulankii Lazio, inkastoo aysan haatan taam u ahayn inay dhammaystaan 90-ka daqiiqo.
Andrea Pirlo ayaa xaqiijiyay in Giorgio Chiellini uu ka mid noqon doono kooxda caawa ee Juve kaddib markii uu ku soo laabtay tababarka. Matthijs de Ligt uma badna inuu ciyaari doono caawa.
Rodrigo Bentancur ayaan diyaar u ahayn Juventus kaddib markii uu dhawaan laga helay xanuunka faafa ee Korona Fayras,iyadoo Paulo Dybala weli uu shaki ku jiro.
Danilo ayaa ganaax ku seegi doona lugta labaad, waxaana uu ku maqnaan doonaa ganaax.
Dhinaca kale waxaa la filayaa shax la mid ah safkii ay ku soo bilowday Porto kaasoo ka yaabsaday Juventus lugtii hore bishii la soo dhaafay.
Pepe iyo Corona ayaa la nasiyey ciyaartii dhammaadkii isbuucaan si ay ugu soo galaan kulankaan caawa.
22-sano jirka Diogo Leite ayaa u muuqda mid si fiican ugu diyaar-garoobay inuu booska Mbemba isla markaana uu boos ka helo safka hore ee kulankan, isla markaana laga door bido xiddiga amaahda ah ee Chelsea, Malang Sarr.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Juventus ayaa lugtii hore oo ay booqdeen Porto waxaa looga soo adkaaday 2-1, waana natiijo laga doonayo caawa inay dhinaca kale u rogto Marwada duqda ah.
>- FC Porto ayaa badisay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Kooxda Porto ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay Champions League.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-
Dhinaca kale Kooxaha Borussia Dortmund iyo Sevilla ayaa caawa ciyaari doona lugta labaad ee 16-ka Champions League.
Borussia Dortmund ayaa isha ku haysa inay boos ka sameysato wareegga siddeeda Champions League marka ay martigelinayaan Sevilla lugta labaad ee wareega 16-ka Talaadada caawa 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Kooxda Jarmalka ayaa 3-2 kaga badisay kooxda haysata Europa League lugtii hore bishii la soo dhaafay, sidaas darteedna waa kuwa ugu cadcad inay u gudbaan siddeed dhammaadka tartanka Koobka Horyaalladda Yurub.
>- Borussia Dortmund ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.
>- Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.