Cristiano Ronaldo oo 36-sano jir ah iyo Pepe oo 38-sano jir ah ayaa ku jira safka xulka Portugal iyagoo qayb ka ahaa xiddihii xulkan ku hoggaamiyay tartankii Euro 2016 ee France lagu qabtay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Europe – EURO 2020
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Puskás Aréna
Garsooraha: Cuneyt Cakir (Turkey)
Wararka Xulalka:-
Manchester City daafaceeda Joao Cancelo ayaa guud ahaan laga reebay safka Portugal kaddib markii laga helay Koofid19, waxaana baddelkiisa lagu soo daray xiddiga Manchester United ee Diogo Dalot kaasoo amaah ugu ciyaaray AC Milan xilli ciyaareedkan.
Dhinaca kale, xulka Hungary ayaa heysta saf dhammeystiran, mana jiraan dhaawacyo ama xiddigo siyaabo kale ku seegaya ciyaartan.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool ka fool
Ciyaarta caawa waxay noqoneysaa markii saddexaad ee ay labadan xul isaga hor imaadaan tartan weyn kaddib Koobkii Adduunka ee 1966 iyo tartankii Euro 2016.
Labadaas kulan waxay labada xul iska dhaliyeen 10 gool iyadoo Portugal ay guul ku gaartay 3-1 ciyaartii Koobka Adduunka ee sanadkii 1966, halka barbarro 3-3 ah ay galeen kulankii Euro 2016.
Portugal ayaanan waligiis guuldarro kala kulmin xulka Hungary, sagaal guul iyo afar barbarro ayuuna ka heystaa.
Hungary
Xulka qaranka Hungary ayaa markii ugu horreysay usoo baxay tartanka qarammada qaaradda Yurub labo jeer oo is xigta, waxaana xusid mudan in labadaan jeer kahor, kaliya uu labo jeer kasoo qayb galay tartanka Euro waana sanadihii 1964 iyo 1972.
Hungary ayaanan la kulmin wax guuldarro ah kulammmadii Guruubka ee Euro 2016 isagoo guuleystay hal kulan, labada kalena barbarro galay, balse sida guud kaliya xulkan ayaa labo guul ka gaaray tartanka qarammada qaaradda Yurub siddeed ciyaarood oo uu dheelayna, waxaa la garaacay afar jeer, labo jeerna barbarro ayuu helay.
Labo ka mid ah 11-ka gool ee uu xulka Hungary ka dhaliyay tartankan ayaa yimid qaybaha hore ee ciyaarta, toddobo gool ayaa yimid qaybaha labaad ee ciyaarta, halka waqtiyada dheeriga ahna ay ku heleen labo gool.
Willi Orban oo difaaca dhexe ka ciyaara ayaa ah gool-dhaliyaha ugu sarreeya xulkan kulammadii is reeb-reebka, waxaana saddex gool uu dhaliyay ay ku yimaadeen kubbado joog-sare ah.
Portugal
Xulka Portugal ayaa ka qayb galaya tartanka qarammada qaaradda Yurub markii siddeedaad, waxaana uu doonayaa inuu noqdo xulkii labaad ee tartankan difaacda ama labo jeer oo isku xiga qaada kaddib Spain oo tartanka ku guuleystay 2008 iyo 2012.
Portugal waa xulka kaliya ee wareegyada bug-baxda usoo baxay dhammaan lixdii jeer ee ugu dambeysay tartanka Euro, waana dhaqaaq soo bilawday sanadkii 1996, dhinaca kalena xulkan ayaanan abid ku harin wareegga guruubyada tartankan toddobo jeer oo uu hore u ciyaarayna, toddobada jeerba waa uu soo gudbay.
Marka laga reebo ciyaar lagu go’aamiyay rigooreyaal, Portugal ayaa guuldarro la’aan ah 11-kii ciyaarood ee ugu dambeysay taranka qarammada qaaradda Yurub, waxaana labadii guuldarro ee ugu dambeysay ay ahaayeen kuwo rigoorayaal lagu reebayn oo Jarmalka 2008 iyo Spain 2012 ayaa ku reebay gool-ku-laad.
Kaliya xulka Spain ayaa kaga wanaagsan rikoorka guuldarro la’aanta ugu dheer tartankan, kaasoo 14 ciyaarood aanan dhinaciisa dhulka la dhigin intii u dhexeysay 2008 illaa 2016, waxaana xulka La Roja uu gaaray 11 guul, saddexda kalena barbarro ayuu galay.
Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-