Horudhac: FC Porto vs Juventus & Sevilla vs Borussia Dortmund… (Kulammada caawa laga ciyaarayo lugta hore ee 16-ka Champions League)

0
244
Google+ LinkedIn StumbleUpon Tumblr Pinterest Reddit VKontakte Odnoklassniki Pocket(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda FC Porto ayaa soo dhoweyn doonta Juventus, halka Sevilla ay qaabilayso naadiga Borussia Dortmund kulamo qeyb ka ah wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda reer Portugal ayaa garoonka Estadio do Dragao caawa ku soo dhoweynaysa naadiga reer Talyaani ee Juventus.

Kulankan lugta hore ee wareegga 16-ka ayaa waxaa is arkaya dhowr qof oo hore oo isla yaqaan ah oo dib ugu midoobay magaalada quruxda badan ee dekedda leh, dhammaantoodna waxay rabaan inay soo bandhigaan qaab ciyaareedkooda kooxeed illaa iyo hadda, halkii ay ka ahaan lahaayeen bandhigyo aan is-waafaqsaneyn.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Estadio do Dragao

Garsooraha: Carlos del Cerro (Spain)

Wararka kooxaha:-

Otavio iyo Zaidu Sanusi ayaa kursiga keydka ka soo degay dhammaadkii isbuucan, isla markaana soo laabashadoodii waxay u noqotay wax weyn kooxda martida loo yahay.

Si kastaba ha noqotee, kaliya Sanusi ayaa la filayaa inuu halkaan kula bilaabo Otavio oo laga yaabo inuu kasoo muuqdo kursiga keydka.

Luis Diaz ayaa la filayaa inuu u dhaqaaqo garabka bidix, taasoo laga yaabo inay keento in Mehdi Taremi uu weheliyo Moussa Marega afka hore haddii Macallin Conceiçao uu doorto qaab ciyaareedka 4-4-2 ah.

Andrea Pirlo ma awoodo inuu waco saddexda dhaawaca ah ee Aaron Ramsey, Paulo Dybala iyo Arthur.

Juan Cuadrado ayaa shaki ku jiraa kooxda martida ah, iyadoo Danilo uu diyaar u yahay inuu ka ciyaaro daafaca midig haddii loo baahdo.

Tababaraha Old Lady wuxuu ciyaari karaa nidaamka 4-4-2, taasoo la micno ah in Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini iyo Matthijs de Ligt ay u dagaallamayaan labo boos oo xagga dambe ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Porto ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

>- Kooxda Juve ayaa guuleysatay lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey Champions League.

>- Juventus ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda FC Porto tartammada oo dhan.

>- Kooxda Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool lix ka mid todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

>- FC Porto ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-

Dhinaca kale Kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund ayaa u safreysa naadiga reer Spain ee Sevilla waxaana ay wada ciyaari doonaan lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League, kulankan ayaana baasmi doona 11:00 habeennimo xilliga geeska Afrika.