Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda ka dhisan Gobolka Merseyside-ka ee Everton ayaa galabta oo Sabti ah waxa ay garoonkeeda Goodison Park ku soo dhoweynaysaa naadiga ka dhisan Magaalada Manchester ee Man United.
Labada Kooxood ayaa doonaya inay dib ugu soo laabtaan waddada guulaha kaddib markii laga soo adkaaday kulammadii ugu dambeeyey.
Toffees ayaa aragtay bilowoodii wacnaa ee xilli ciyaareedkeeda isbuucyadii la soo dhaafay, halka Man United ay fadhiso kaalinta 15-aad, iyadoo ku dhibtoonaysa bilowgeedii ugu xumaa ee kal ciyaareedka tan iyo fasal ciyaareedkii 1986-87.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Sabti 07 Nof 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 03:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Goodison Park
Garsooraha: Paul Tierney (England)
Wararka Kooxaha:-
Kooxda Everton ayaa dib u soo dhoweynaysa kubbad abuuraheeda sare ee James Rodriguez kaddib markii uu dhowaanahan la maqnaa dhaawac.
Richarlison ayaa ganaaxan, laakiin Lucas Digne ayaa dib u soo laabanaya kaddib ganaax uu la maqnaa, iyadoo goolhaye Jordan Pickford uu ku soo laaban karo shaqaba kaddib markii kursiga keydka la dhigay kulankii ay kooxdu dheeshay Axaddii la soo dhaafay.
Daafaca Kooxda Manchester United ee Victor Lindelof ayaa shaki la galinayaa kulankan kaddib dhaawac uu ka sheeganayo dhabarka, laakiin Jesse Lingard ayaa ka soo muuqan kara kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League xilli ciyaareedkan.
Alex Telles ayaa ah mid la heli karo oo diyaar ah kaddib markii uu soo dhammaystay karaantiilkii uu ugu galay Korona Fayras.
Anthony Martial, kaasoo gooldhaliyey kulankii Champions League ee bartamihii todobaadkii dhammaaday ayaa ah mid diyaar ah oo la heli karo kaddib markii uu soo dhammaystay ganaaxii saddexda kulan ahaa oo uu la maqnaa kaddib kaarkii casaanka ahaa oo uu qaatay.
Goolhaye David De Gea ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto shabaqa Man United kaddib markii Goolhaye Dean Henderson uu ciyaaray kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Istanbul Basaksehir ee Champions League.
Dhinaca kale Eric Bailly iyo Phil Jones ayaa labaduba weli dhaawac uga maqnaanaya Kooxda Manchester United.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Labadii kulan ee ay ciyaareen labadan kooxood xilli ciyaareedkii hore ayaa ku dhammaaday barbaro 1-1 ah, iyadoo Everton ay dhalisay goolka koowaad labada jeerba.
>- Man United ayaa badisay 36 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Everton, waana rikoor hal koox ah, marka ay ka horyimaadaan koox gaar ah.
>- Guushoodii 16-aad ee Premier League ee ay ku gaaraan Goodison Park ayaa ah guulihii ugu badnaa ee ay ku wada gaaraan hal garoon oo ay booqdeen, Man United ayaa sidoo kale 16 jeer ku soo badisay garoonka Villa Park.
>- Yeelkeede, kaliya waxa ay badisay saddex ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ay marti u ahaayeen Everton, waxaana ay Man United kulammadaas kale la soo kulantay 4 barbaro iyo 5 guuldarro.
Everton
>- Kaddib markii ay badiyeen afartoodii kulan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka, Everton ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato mid ka mid ah saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana ay la kulmeen 1 barbaro iyo 2 guuldarro.
>- Waxa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 15 kulan ee Premier League oo ay ku ciyaareen garoonkooda tan iyo markii ay ceyriyeen Macallin Marco Silva bishii December ee la soo dhaafay.
>- Everton ayaa qaadatay todobo kulan oo Premier League ah oo ay garoonkeeda ku ciyaartay iyadoo aan shabaqeeda gool ka ilaashan.
>- Waxaa laga yaabaa in laga dhaliyo goolal badan shan kulan oo isku xigta oo ay ku ciyaareen gurigooda markii ugu horreysay tan iyo rikoorkii kooxda ee goolal looga dhaliyey 7 jeer oo xiriir ah garoonkeeda sanadkii 1958-kii.
>- Dominic Calvert-Lewin ayaa dhaliyey siddeed gool todobadiisii kulan ee Premier League uu ka soo muuqday xilli ciyaareedkan.
>- Carlo Ancelotti ayaa kaliya hal guuldarro la kulmay shantiisii kulan ee Premier League uu ku wajahay Manchester United isagoo tababare ah, waxaana afarta kulan ee kala uu ka haystaan 3 guul iyo 1 barbaro.
Manchester United
>- Man United ayaa la jaan qaadi karta rikoorkeeda kooxeed ee todobo guul oo isku xiga oo Premier League ah ee ay marti ahaayeen, taasoo la dhigay sanadkii 1993-kii.
>- Ku guuldareysiga garaacista Everton ayaa ka dhigeysa Man United inay haysato dhibcaha ugu hooseeya kaddib toddobo kulan oo xilli ciyaareedka sarre ee horyaalka ah tan iyo fasal ciyaareedkii 1989-90.
>- Manchester United ayaa laga dhaliyay afar rigoore lixdii kulan ee ay ciyaareen Premier League xilli ciyaareedkan,waxaana laga dhaliyay kaliya saddex rigoore xilli guud ahaan ciyaareedkii hore.
>- Marcus Rashford ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto dhammaan sagaalkii kulan ee uu ka horyimid Kooxda Everton tartammada oo dhan.
>- Ole Gunnar Solskjær ayaa guul la’aan ah dhammaad afartii kulan ee Premier League uu ka hortgay kooxda Everton isagoo tababare ah, markaasoo uu kala hoggaaminayey Cardiff City iyo Manchester United, waxaana uu kala kulmay 2 barbaro iyo 2 guuldarro.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-