Kooxda Toffees ayaa seef la dhacday kooxda heerka labaad u soo dhacday ee Fulham oo 2-0 uga badisay kulankoodii ugu dambeeyay, halka Man City ay ka dhigtay 16 guul markii ay ku garaacday 3-0 naadigaTottenham Hotspur.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: Goodison Park
Garsooraha: Andre Marriner (England)
Wararka kooxaha:-
Gooldhaliyaha ugu sarreeya Everton ee Dominic Calvert-Lewin ayaa seegi doona kulankii labaad maadaama uu qabo dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray kulankii FA Cup-ka, waxaana la filayaa inuu soo laaban doono kulanka ay wajahayaan Liverpool Sabtida.
James Rodriguez iyo Jordan Pickford ayaa diyaar ah oo la heli karaa kulankan, halka Allan uu ciyaari karo markiisii ugu horreysay tan iyo 16-ka bishii December.
Laacibka khadka dhexe ee Manchester City, Ilkay Gundogan oo la bedelay kulankii ay guusha ka gaareen Tottenham sababo la xiriira dhaawac gumaarka ah ayaa xaaladdiisa la qiimeyn doonaa.
Kevin de Bruyne ayaa isaguna sii joogteyn doona maqnaanshihiisa kooxda Manchester City oo kulankan kama soo muuqan doono.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Manchester City ayaa guuleysatay 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.
>- Man City ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay tododo ka mid ah siddeedeedii ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Premier League.
>- Kooxda Man City ayaa guuleysatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Everton tartammada oo dhan.
>- Manchester City ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Everton tartammada oo dhan.
>- Man City ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay bannanka ku soo ciyaartay horyaalka Premier League (Away).
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-