Man City ayaa 2-0 kaga soo adkaatay Newcastle United Sabtidii, halka Everton ay guul 1-0 ah goor dambe ka soo qaadatay Sheffield United oo ay ku booqatay garoonka Bramall Lane.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika
Garoonka: Goodison Park
Garsooraha: Martin Atkinson (England)
Wararka kooxaha:-
Everton ayaa la soo shir tagi karta kulanka caawa shax la mid ah middii ay dhowaan guusha kaga gaareen kooxda Sheffield United.
Richarlison ayaa garoommada uga maqnaanaya hab maamuuska jahwareerka, halka James Rodriguez, Allan, Lucas Digne iyo Fabian Delph dhammaantood aan la heli karin.
Manchester City ayaa la filayaa inay sameyso isbedelo dhowr ah, inkastoo Gabriel Jesus iyo Kyle Walker ay iskaraantiileen kaddib baaritaannadii ugu dambeeyey ee ku aaddanaa Korona Fayras.
Ilkay Gundogan ayaa la qiimeyn doonaa dhaawac garabka ah oo soo gaaray, laakiin Eric Garcia ayaa weli maqan.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Everton ayaa laga badiyey shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahaday Manchester City, waana guuldaradoodii ugu dheereyd ee soo gaarta muddo 121 sano ah kulankaan.
>- Man City ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay booqatay garoonka Goodison Park, waxaana ay soo dhaliyeen kulammadaas cel-celis ahaan 8-2.
>- Guushii ugu dambeysay ee Everton ay gurigeeda kaga gaaro Reds waxay ahayd bishii Janaayo 2017, waa mid ka mid ah labo guul oo kaliya oo ay ka gaareen 16-kii kulan ee ugu danbeysay tartammada oo dhan.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-