Horudhac: Chelsea vs Sheffield United… (Guul ay caawa Blues ku gaarto Stamford Bridge ayaa ka dhigaysa inay hal dhibic u jirsan doonto hoggaanka horyaalka Premier League)

0
186

Blues ayaa caawa guul u baahan kulanka ay garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhoweynayso naadiga Sheffield United si ay ugu yaraan hal dhibic ugu jirsato hoggaanka horyaalka Premier League.

Wiilasha Tababare Frank Lampard ayaa dib u saxay qaladkooda daafac, waxaana ay iska xoojiyeen daafacooda, iyadoo goolhaye Mandy uu sabab u noqday in kulammo dhowr ah aan gool laga dhalin shabaqa uu waardiyaha ka yahay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 07 Nof  2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 08:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Jon Moss (England)

Wararka Kooxaha:-

Christian Pulisic ayaa kooxda Chelsea kulankan kaga maqnaan doona dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray iskululeyntii kulankii ay la dheeleen Burnley todobaadkii hore.

Laacibka khadka dhexe ee Blues ayaa is-karaantiilaya kaddib markii laga helay KOFID 19.

Labada xiddig ee dhaawaca uga maqan Kooxda Sheffield United ee John Fleck iyo Lys Mousset ayaa sare u qaaday baxnaanadooda, laakiin ma ciyaari doonaan kulankan.

The Blades kooxda lagu naynaaso sidoo kale waxaa ka maqnaan doona kulankan xiddiga ay amaahda ku haystaan ee Ethan Ampadu, kaasoo aan awoodin inuu wajaho kooxda milkiyaddiisa iska leh.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Kooxda Sheffield United ayaa laga yaabaa inay shabaqeeda gool ka ilaashato kulamada isku xiga oo ay wajahayaan Chelsea markoodii ugu horreysay.

>- Iyadoo afar guul laga gaaray siddeed kulan oo ay ciyaareen, Blades waa mid ka mid ah afarta koox ee ka badisay Chelsea kulammada Premier League in ka badan inta laga badiyay (1 barbaro iyo 3 guuldarro).

Chelsea

>- Chelsea ayaanlaga badinin 10 kulan oo isku xiga tartammada oo dhan, waxa ay badisay shan kulan, halka shan kalena ay barbaro gashay.

>- Shan jeer oo isku xigta ayay shabaqooda gool ka ilaashadeen markii ugu horreysay tan iyo bishii September ilaa October ee sanadkii 2010-kii. waxaana laga joogaa 12 sano tan iyo markii ay lix kulan oo tartan rasmi ah galeen iyagoo aan wax gool ah laga dhalin.

>- Edouard Mendy kaliya waa goolhayihii saddexaad oo shabaqiisa gool ka ilaashada mid kasta oo ka mid ah saddexdiisii kulan ee ugu horreysay Premier League oo uu u ciyaaray kooxda Chelsea.

>- Timo Werner ayaa ku lug yeeshay afar gool saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray horyaalka Premier League, saddex ka mid ah goolashaas waa uu dhaliyey halka goolka kale uu caawiye ka ahaa.

Sheffield United

>- Sheffield United ayaan wax guul ah gaarin 11 kulan oo tartammada oo dhan tan iyo guushii 3-0 ee ay garoonkeeda ka gaareen Chelsea 11-kii July.

>- The Blades ayaa laga yaabaa inay sii ahaato mid aan guuleysan siddeedii kulan ee ugu horreeyay horyaalka markii ugu horreysay tan iyo fasal ciyaareedkii 1990-91.

>- Kaliya afar kooxood ayaa helay labo dhibcood ama ka yar kaddib markii ay ciyaareen siddeed kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedka, waxaana ay ka fogaadeen inay u laabtaan heerka labaad.

>- Billy Sharp ayaa goolkiisii 100-aad ee horyaalka u dhalin kara kooxdiisa Sheffield United, kaliya hal gool ayuuna u baahan yahay si uu ugu gaaro 100 gool oo horyaalka ah kooxdiisa Sheffield.

>- Tababare Chris Wilder ayaa hal guul u jira inuu guushiisii 100-aad ee tartammada oo dhan la gaaro kooxda The Blades.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-