Horudhac: Chelsea vs Manchester City… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ka dhacaya Stamford Bridge)

0
185

Labada kooxood ayaa ka hor inta aysan ciyaarin kulankan, waxa ay wada leeyihiin min 26-dhibcood, inkastoo kooxda martida ah ee Man City ay labo kulan gacanta ku haysato, taasoo ay kaga fursad fiican tahay Blues.

Yeelkeede, kooxda Chelsea kulankeedii ugu dambeeyey ee sanadkii 2020 waxa ay barbaro 1-1 la soo gashay Aston Villa, halka kooxda uu Korona Fayrasku wareerinayo ee Manchester City ay kulankeedii Boxing Day guul 2-0 ah ka soo qaadatay Newcastle United.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka kooxaha:-

Shan ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Manchester City ayaan diyaar u ahayn inay ciyaaraan kulankooda ka tirsan horyaalka Premier League oo ay la leeyihiin Chelsea caawa, maadaama laga helay Korona Fayras.

Kyle Walker, Gabriel Jesus iyo saddex ciyaaryahan kale oo aan la magacaabin ayaa caabuqan ku seegaya kulanka caawa ay booqanayaan Blues,

Kulankii Man City ay la lahayd Everton 28-ka bishii December ayaa la baajiyey sababo la xiriira caabuqa Korona Fayras oo faro ba’an ku haya safka koowaad ee kooxda Sky Blues, iyadoo la wariyey in kala bar xiddigaha kooxda laga helay Korona Fayras.

Guardiola ayaa markaas sheegay in Man City aysan xiddigo ku filan u haysan inay ku soo ciyaaraan garoonka Goodison Park, natiijadaas ayaana ka dhigtay in la baajiyo kulankaas.

Dhinaca kale garabka kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa sameyn kara caawa safashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulan ay horraantii bishii December Leeds United ku soo dhoweeyeen garoonkooda Stamford Bridge.

Daafaca Blues ee Reece James ayaa hubaashii kulankan ku seegi doona dhibaato la mid ah midda Ziyech.

Xaqiiqooyinka Ciyaartan:-

Fool Ka Fool

>- Manchester City ayaa khasaaro la kulantay 26 kulan oo horyaalka Premier League ay wajahday kooxda Chelsea, waana in ka badan koox kasta oo kale.

>- Man City ayaa guuldarro la kulmi karta saddex kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League kulammada ay booqato Chelsea markii ugu horreysay tan iyo laga soo bilaabo 2006 illaa 2009 oo ay kala kulmeen afar guuldarro oo xiriir ah marka ay ku booqdeen London.

>- 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee labadaan kooxood dhexmaray midkoodna barbaro kuma dhammaan.

Chelsea

>- Chelsea ayaa badisay kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu danbeeyay Premier League, iyagoo afar dhibcood ka qaatay 15-kii dhibcood ee macquul ka ahayd ee ay heli kareen.

>- Yeelkeede, guuldarrada kaliya ee soo gaartay 14 kulan oo ay horyaalka ku ciyaareen garoonkooda ayay kala kulmeen Liverpool bishii September, waxaana ay tan iyo markaas heleen 10 guul iyo 3 barbaro.

>- The Blues ayaa ku guuldarreysatay inay guul gaarto kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League mid kasta oo ka mid ah afartii sanadood ee la soo dhaafay.

>- Goolkooda kaliya ee afar kulan oo horyaalka ah oo ay la ciyaareen lixda koox ee ugu sarreysa xilli ciyaareedkan waxaa u dhaliyay Tammy Abraham kulankii ay guuldarrada 3-1 ka soo gaartay Arsenal ee Boxing Day.

>- Olivier Giroud ayaa shabaqa soo taabtay 11 ka mid ah 14 kulan ee horyaalka Premier League ah oo uu ku soo bilawday safka hore sanadkii 2020.

>- Timo Werner ayaa sii maraya 11 kulan oo uusan gool u dhalin kooxda Chelsea.

Manchester City

>- Manchester City ayaa guuldarro la’aan ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartammada oo dhan, waxa ay guuleysteen todobo kulan, halka ay barbaro galeen saddex kale.

>- Si kastaba ha noqotee, 26 dhibcood ayaa weli ah dhibcihii ugu hooseeyay oo ay helaan muddo 10 sano ah kaddib 14 kulan marka ay ciyaaraan horyaalka.

>- City ayaa badin karta saddex kulan oo isku xigta horyaalka markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan.

>- Waxaa laga badiyay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeeyay Premier League ee ay ku ciyaaraan London, halka kulanka kale ay barbaro galeen.

>- City ayaa shabaqeeda ilaashatay 13 kulan tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, waana in ka badan kooxaha kale ee ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

>- Sergio Aguero ayaa dhaliyay 10 gool sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay oo uu ka horyimid Chelsea, yeelkeede, wuxuu haatan ku jiraa 10-kulan oo gool la’aan ah horyaalka Premier League.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-