(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dooneysa inay hanato hoggaanka guruubkeeda H ee tartanka Champions League ciyaarta ay caawa garoonkeeda kula leedahay Juventus oo haatan ugu sarreysa guruubka.
Blues ayaa dhinaca kale u baahan ugu yaraan dhibic si ay u xaqiijiso usoo bixitaankeeda wareegga 16-ka tartanka Champions League maadaama ay haatan leedahay sagaal dhibcood, halka Bianconeri ay goor hore xaqiijisay booskeeda wareegga bug-baxda kaddib markii ay guul gaartay dhammaan afartii ciyaarood ee hore.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – Champions League
Saacadda ay bilaabaneyso ciyaarta: 11:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika
Garoonka: Stamford Bridge
Garsooraha: Srdjan Jovanovic (Serbia)
Wararka kooxaha:-
Warka ugu weyn ee dhanka Chelsea waa dib usoo laabashada Romelu Lukaku iyo Timo Werner kuwaasoo uu xaqiijiyay Macallin Thomas Tuchel inay taam u yihiin ciyaartaan, waxaase guud ahaan seegaya ciyaartan Mateo Kovacic halka shaki la gelinayo Kai Havertz oo ay dhibaato yar kasoo gaartay ciyaartii Leicester City.
Dhinaca kale, Juventus ayaanan heli doonin shan ka mid ah kooxdeeda koowaad oo uu ku jiro Danilo, balse waxaa farxad weyn u ah inay soo laabteen Paulo Dybala, Alex Sandro, Dejan Kulusevski iyo Weston McKennie.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Marka laga soo tago guushii ay Chelsea ka gaartay Juventus is-araggoodii ugu horreeyay ee Champions League bishii February ee sanadkii 2009, waxay Blues guul la’aan tahay afartii kulan ee ugu dambeysay ay is arkaan kooxda reer Taliyaani waana labo barbarro iyo labo guuldarro, labada guuldarro ayaana yimid labadii ciyaar ee ugu dambeysay oo ay The Old Lady ku kala adkaatay 3-0 sanadkii 2012 iyo 1-0 bilawgii xilli ciyaareedkan.
Sidaas darteed, Juve ayaa noqon karta kooxdii ugu horreysay ee saddex is-arag oo xiriir ah ku garaacdo Champions League.
Afartii ciyaarood ee la dheelay xilli ciyaareedkan Champions League, Chelsea ayaa laga dhaliyay goolasha ugu yar, waana hal gool, waxay wajahday darbooyinka ugu yar oo 18 kuwa ugu hooseeya ee bartilmaameed sax ah noqday waana saddex halka ay sidoo kale heystaan rikoorka filashada ugu yar ee gool looga dhalin karo oo ah 2.1.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Chelsea:
Juventus: