(London) 03 Okt 2020. Chelsea ayaa isha ku haysa inay saddexda dhibcood gacanta ku dhigtao maanta marka ay ku soo dhaweynayaan kooxda ay ku xafiiltamaan Magaalada London ee Crystal Palace garoonka Stamford Bridge kulan qeyb ka ah horyaalka Premier League.
Kooxda tababare Frank Lampard ayaa kulankoodii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, waxaa lagu qasbay inay ka soo laabtaan saddex gool oo looga hormaray kulankii todobaadkii hore ay la ciyaareen West Bromwich Albion.
Ka hor inta aan laga soo reebin tartanka EFL Cup-ka, halka Palace ay sidoo kale raadinayso inay ka soo kabato guul-darradii soo gaartay.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Sabti 03 Okt 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 02:30 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Stamford Bridge
Garsooraha: Michael Oliver (England)
Wararka Kooxaha:-
Goolhaye Edouard Mendy iyo daafaca garabka bidix ee Ben Chilwell ayaa u safan kara Chelsea kulankoodii ugu horreeyey ee horyaalka, kaddib markii ay ku soo bilowdeen safka hore kulankii Carabao Cup ee ay ka horjeedeen Tottenham.
Weeraryahan Timo Werner ayaa dhaawac ka soo gaaray muruqa kulankii Talaadadii, laakiin waa la heli karaa oo waa diyaar kulanka maanta, halka ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Christian Pulisic uu taam u yahay inuu ciyaaro isagoo bedel ku soo galaya.
Kooxda Crystal Palace ayaa heli doonin adeegga Weeraryahan Michy Batshuayi, kaasoo aan ka hortagi karin kooxda milkiyaddiisa iska leh ee Chelsea.
Jeffrey Schlupp ayaa seegay kulankiisii labaad oo isku xigaa sababo la xiriira dhaawac muruqa dartiis.
Gary Cahill, James Tomkins iyo Patrick van Aanholt ayaa ku soo laabtay tababarka, laakiin weli diyaar uma ahan inay ciyaaraan.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Kooxda Chelsea ayaa badisay shan kulan oo isku xiga oo ay la ciyaartay Crystal Palace.
>- Markii ugu dambeysay oo ay the Eagles garaacdo The Blues waxay ahayd bishii October sanadkii 2017-kii, si ay u siiso tababare Roy Hodgson guushiisii ugu horreysay horyaalka ee kooxda.
>- Palace ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti u ahaayeen Chelsea, waxaana ay kala soo kulmeen kulamada kale 1 barbaro iyo 8 guuldarro.
>- Midkoodna 18-kii kulan ee la soo dhaafay horyaalka Premier League-ga kuma dhammaanin barbaro, Chelsea ayaa badisay 14-kulan, halka afar-jeerna ay adkaatay Palace.
Chelsea
>- Kooxda Frank Lampard ayaa laga yaabaa inay la kulanto guuldarrooyin isdaba joog ah oo garoonkeeda ah markii ugu horreysay tan iyo bishii December sanadkii 2019, markaasoo ay garaaceen Bournemouth iyo Southampton.
>- Chelsea ayaan laga badinin labadii kulan ee furitaanka ee ay ku ciyaartay garoonkeeda hal xilli ciyaareed tan iyo fasal ciyaareedkii 1978-79, markaasoo Blues ay u laabatay heerka labaad.
>- Waxaa laga dhaliyay ugu yaraan saddex gool afar ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka, waana in ka badan inta gool ee laga dhaliyey 56 kulan ee ay markaas ka hor ciyaareen.
>- Chelsea ayaa ku dhammaysatay rikoorkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League kulammada London Derby labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay iyagoo 16-dhibcood ka helay siddeed kulan oo ay la ciyaareen kooxaha ay isku magaalada ka dhisan yihiin fasal ciyaareedkii 2019-20.
Crystal Palace
>- Crystal Palace ayaa isha ku haysa inay badiso labadii kulan ee ugu horreysay oo ay marti ahaayeen xilli ciyaareedka Premier League markii saddexaad.
>- Waxay noqon karaan kooxdii labaad ee ku badisa garoommada Stamford Bridge iyo Old Trafford kulamo isku xigta ee Premier League oo ay martida yihiin, iyagoo ku dayanaya Kooxda Sunderland oo sidaas sameysay sanadkii 2014-kii.
>- Eagles ayaa badisay siddeed kulan oo Premier League ah oo ay booqdeen kooxaha ka socda lixda ugu sarreysa tan iyo bishii Agoosto sanadkii 2015 oo ay ku jiraan labo kulan oo ay la ciyaareen Chelsea.
>- Tababare Roy Hodgson ayaa laga badiyay lix kulan oo isku xiga horyaalka Premier League ah oo uu ku ciyaaray garoonka Stamford Bridge tan iyo markii uu badiyay kulankiisii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah ee uu watay Kooxda Blackburn bishii April ee sanadkii 1998.
>- Wilfried Zaha ayaa ku lug yeeshay 6 gool 12-kii kulan ee uu la ciyaaray Chelsea isagoo dhaliyay 3 gool caawiyena ka noqday 3 kale.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-