Horudhac: Burnley vs Liverpool…(Miyey Reds soo geli kartaa booska afaraad?)

0
260

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa rajo wacan ka qabta inay kusoo laabato boosaska afarta sare ee horyaalka Ingiriiska kulanka ay caawa booqaneyso naadiga Burnley kulanka 37-aad ee Premier League.

Naadiga martida loo yahay ayaa hubisay inay baaqi kusii ahaan doonto horyaalka Ingiriiska fasal ciyaareedka soo aaddan iyadoo haatan ka korreysa 11 dhibcood kooxaha ku jira boosaska loogu laabto horyaalka heerka labaad.

Naadiga uu hoggaamiyo macallin Jurgen Klopp ayaa heysata fursad ay kusoo geli karto booska afaraad ee kala sarreynta horyaalka Premier League haddii ay caawa adkaato maadaama ay 66 dhibcood la yeelan doonto kooxda Leicester City oo haatan booska afaraad ku jirta, waxayna Liverpool booska afaraad ku geli doontaa faqriga goolasha.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Turf Moor

Garsooraha: Chris Kavanagh (England)

Wararka kooxaha:-

Goolhaye Nick Pope ayaa usoo laabanaya naadiga Burnley isagoo dhaawac yar ku seegay kulankii ay kooxdiisa guuldarrada kala kulantay naadiga Leeds United.

Robbie Brady ayaa ciyaartan dhaawac ku seegaya, sidoo kale Phil Bardsley, Dale Stephens iyo Kevin Long oo qaliinno kala duwan maray ayaanan diyaar u ahayn kulankan.

Geesta kale, Liverpool ayaa dib u heleysa xiddigeeda khadka dhexe ee Alex Oxlade-Chamberlain kaasoo kabsaday xanuun uu garoommada kaga maqnaa, halka James Milner xaaladdiisa wali la qiimeynayo.

Naby Keita iyo Diogo Jota ayaa kulankan dhaawacyo ku seegaya, iyadoo ay xusid mudan tahay in weeraryahanka reer Portugal uu maqnaan doono xitaa kulanka ugu dambeeya.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Burnley ayaa dooneysa inay caawa ka adkaato Liverpool kulankii labaad ee xilli ciyaareedkan, waxayna noqon doontaa markii ugu horreysay oo labada kulan ee xilli ciyaareedka horyaalka la wada garaaco Reds tan iyo 1929-30.

Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah siddeedii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka iyadoo guuleysatay lix ka mid ah siddeeddaas. waxayna haatan guuleysteen saddex kulan oo xiriir ah.

Reds ayaa guul gaartay kaliya saddex jeer 11 kulan oo ay xilli ciyaareedkan la ciyaartay kooxaha ku jira lixda kaalin ee ugu hooseysa dhanka kala sarreynta horyaalka, shan barbarro ayay gashay, saddexna waa la garaacay.

Liverpool ayaa guuldarro la kulantay sagaal ciyaarood oo ka tirsan Premier League hal xilli ciyaareed gudihiis markii ugu horreysay shan sano kaddib.

Mohamed Salah ayaa shabaqa gaaray 99 kulan oo kala duwan oo uu Liverpool u ciyaaray horyaalka Ingiriiska, balse kaliya hal gool ayuu ka dhaliyay Burnley isagoo ka hor yimid lix jeer.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-