Horudhac: Brighton & Hove Albion vs Arsenal… (Brighton oo rikoor 40 jir ku dhow ka haysata Gunners)

0
195

(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa raadineysay guusheedii labaad oo xiriir ah kulanka ay caawa booqaneyso kooxda Brighton & Hove Albion, kaddib markii ay Chelsea ka soo adkaatay ciyaartii ugu dambeysay.

Arsenal ayaa raadineyso inay markii ugu horreysay ka adkaato kooxdan ciyaar ka tirsan horyaalka 39 sano kaddib, xilli fasalkii la soo dhaafay ay Brighton garaacday kooxda Mikel Arteta labadii kulan ee horyaalka.

Xiisaha ciyaartan ayaa ah inay labada koox ku jiraan kaalmo isku xiga iyadoo Gunners ay 17 dhibcood la fadhiso booska 15-aad ee kala sarreynta halka dhiggeeda ay booska 14-aad ku heysato 13 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 9:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: The American Express Community Stadium (Amex Stadium)

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka kooxaha:-

Naadiga Brighton & Hove Albion ayaa caawa weyneysa xiddigeeda Tariq Lamptey, kaasoo la xanuunsanaya dhaawac ka soo gaaray muruqa cajarka, waxaana uu seegi doonaa guud ahaan ciyaartan.

Kooxda Amex Stadium ku ciyaarta ayaa sidoo kale walaac ka muujineysa xaaladda Adam Lallana iyo Aaron Connolly kuwaasoo shaki laga gelinayo ka qayb noqoshadooda ciyaartan dhaawacyo ay qabaan awgeed.

Emile Smith Rowe iyo Gabriel Martinelli ayaa la filayaa inay kulankoodii labaad ee xilli ciyaareedlkan kusoo billawdaan garoonka, kaddib bandhiggii wacnaa ee ay la yimaadeen ciyaartii Arsenal ay garaacday Chelsea.

Balse waxaa Gunners ka maqnaan doona Thomas Partey oo dhaawac qaba iyo Gabriel Magalhães oo la karaantiilay kaddib markii laga helay xanuunka Korona Fayras.

Xaqiiqooyinka Ciyaartan:-

Fool Ka Fool

Brighton waa guuldarro la’aan shantii kulan ee ugu dambeysay labadan koox ku dhex maray horyaalka, iyadoo guuleysatay saddex ka mid ah, halka laba kalena ay bareejo galeen.

Seagulls ayaa natiijo 2-1 ah kaga adkaatay Arsenal labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore iyadoo markii ugu horreysay labo guul kaga gaartay horyaalka hal xilli ciyaareed.

Gunners ayaanan guul gaarin kulan ka tirsan Horyaalka oo ay booqatay Brighton tan iyo Abril 1981.

Brighton

>- Brighton ayaa gaartay kaliya labo guul 15 kulan oo ay xilli ciyaareedkan ka ciyaartay horyaalka Premier League, halka ay barbarro gashay toddobo jeer, lix jeerna waa la garaacay.

>- Guusha kaliya ee ay sanadkan 2020 Brighton garoonkeeda ku gaartay ciyaar ka tirsan Premier League waxay garaacday Arsenal, siddeed jeer barbarro ayay ku gashay, toddobo jeerna waa lagu garaacay garoonkeeda.

>- Naadiga martida loo yahay caawa ayaa guuldarro la’aan ah lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay la ciyaartay kooxaha kula jira tobanka hoose, waxa guuleysatay hal jeer, shan jeerna barbarro ayay la gashay.

>- Tababahare Graham Potter ayaa caawa sugaya inuu diilinta macallimiinta soo istaago kulankiisii boqolaad oo horyaal ah inta uu ka shaqeynayo kubadda cagta Ingiriiska.

Arsenal

>- Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan shabaqeeda gool ka ilaalisay kaliya saddex kulan, waxaana saddexda kulanba ay kusoo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

>- Gunners ayaa soo idleysay toddobo kulan oo guul la’aan ah ciyaartii Chelsea ay garaaceen ee maalintii Ciidda Masiixiga.

>- Kooxda Mikel Arteta ayaa dhalisay kaliya saddex gool, lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay bannaanka kusoo ciyaartay.

>- Arsenal ayaa caawa ka feejigan in sanadkii saddexaad oo xiriir ah ay guuldarro kusoo xirto kulanka caawa ay booqaneyso Brighton.

>- Arsenal oo ku jirta kaalinta 15-aad ee kala sarreynta horyaalka ayaa guul gaartay labo ka mid ah saddexdii kulan ee ay la ciyaartay kooxaha ka hooseeya dhanka kala sarreynta, waxaana ay caawa booqaneysaa kooxdii afraad oo ka hooseysa dhanka kala sarreynta Premier League.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-