Kulankan oo ka dhici doona caawa Magaalada Seville ee dalka Spain ayaa xulkii adkaada Belgium iyo Portugal waxa uu gaari doonaa siddeed dhammaadka tartankan.
Indhaha oo dhan waxa ay hayaan caawa Weeraryahanka xulka qaranka Belgium ee Romelu Lukaku iyo Kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo, kuwaasoo siddeed gool ka dhaliyey Euro 2020.
Kulankan ayaa ka mid ah wareegga 16-ka Euro 2020, waxaana xulkii adkaada uu si toos ah ugu aadi doonaa xulka qaranka Talyaaniga oo xalay 120 daqiiqo kaddib ka soo adkaaday xalay Austria.
Ciyaarta ayaa la dheeli doonaa 90 daqiiqo oo waqtiga caadiga ah, haddii daqiiqadaha caadiga ee ciyaarta lagu kala adkaan waayo waxaa la ciyaari doonaa 30 daqiiqo oo dheeraad ah ilaa laga gaaro rigooreyaal ama gool-ku-laadyo haddii 120-kaas daqiiqo lagu kala adkaan waayo.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Europe – EURO 2020
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Estadio de La Cartuja, Seville
Garsooraha: Felix Brych (Germany)
Wararka Xulalka:-
Ciyaaryahanka kooxda Leicester City ee Youri Tielemans ayaa soo laaban kara kulankan, kaas oo rigoorayaal la isla aadi doono haddii ay natiijadu isku mid noqoto 90 iyo 120 daqiiqo.
Tielemans ayaa ku bilaawday labadii guul ee ugu horreysay heerka guruubka, laakiin ma uusan ciyaarin kulankii Finland.
Daafaca Kooxda Wolves ee Nelson Semedo ayaa ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee Portugal ay la ciyaaraan France, laakiin tan iyo markaas waxa uu ku soo laabtay tababarka.
Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa rajeynaya inuu ku soo laabto safka hore ee kulankan xulkiisa Portugal, kaddib markii keydka la dhigay kulankii ugu dambeeyay.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Kani waa kulankii ugu horreeyay ee tartan weyn oo dhex mara Xulalka Belgium iyo Portugal.
>- Portugal ayaan laga badinin shantii kulan ee ugu danbeeyay oo ay la ciyaareen Belgium tartammada oo dhan, waxayna ka haystaan 3 Guul iyo 2 Barbaro, tan iyo guuldarradii 3-0 ee isreeb-reebka Koobkii Adduunka ee bishii Sebtember sanadkii 1989-kii.
Belgium
>- Xulka Belgium ayaa kaliya ku guuldarreysatay inuu shabaqa soo taabato labo ka mid ah 58-kii kulan ee ugu danbeeyay ee uu hoggaaminayay Macallin Roberto Martinez.
>- Inkastoo uu ciyaaray kaliya 134 daqiiqo ilaa haatan, Kevin de Bruyne ayaa ku lug lahaa saddex ka mid ah toddobadii gool ee xulka Belgium ay ka ciyaareen tartanka Euro 2020, isagoo shabaqa soo taabtay hal jeer, isla markaana caawiye ka ahaa labo gool oo kale.
>- Guushii ugu dambeysay ee Xulka Belgium uu ka gaaray Finland, waxa ay ka dhigan tahay guushoodii sagaalaad ee isku darka Koob Adduun iyo Koobka Qarammada Yurub, iyagoo ka hoos ciyaaraya Tababare Roberto Martinez.
Portugal
>- Portugal ayaa laga dhaliyay lix gool saddex kulan oo ay ciyaareen tartanka Euro 2020 ilaa iyo haatan, horeyba hal gool ayey uga badnaayeen goolashii laga dhaliyey Euro 2016 heerka guruubyada markii ay u gudbeen inay koobka qaadaan.
>- Xulka Portugal ayaa u soo baxay wareegga bug-baxda ee Koobka qarammada Yurub, iyagoo kaalinta 3-aad kaga dhammaystay Guruubkooda tartankii labaad oo xiriir ah, sidoo kale waxa ay sidaas sameeyeen sanadkii 2016-kii ka hor inta aysan u dhaqaaqin ku guulaysiga Koobkan.
>- Portugal oo afar dhibcood ka helay saddexdii kulan ee wareegga Guruubyada tartankan ayaa ah soo laabashadii ugu liidatay ee xulka difaacaya Koobka Qaramada Yurub tan iyo Greece sanadkii 2008.
Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-