Horudhac: Barcelona vs Sevilla… (Shaqo adag oo hor taalla Barca si ay ugu gudubto fiinaalka Copa del Rey)

0
199

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta ee Barcelona iyo Sevilla ayaa mar labaad is arkaya afar maalmood gudahood, halka markii saddexaad ay kulmayaan bil gudaheed.

Labadan koox ayaa ku balansan caawa lugta labaad ee wareegga semi-fiinaalka tartanka Copa del Rey xilli ay hoggaanka Sevilla ku heyso 2-0 kaddib guushii ay gaartay lugtii hore ee is araggan.

Barca ayaa u baahan guul weyn oo farqi ahaan gaareysa saddex gool ama wax ka badan si ay ugu soo gudubto kama dambeysta koobkan, halka Sevilla ay fursado badan u heysato usoo bixitaanka fiinaalka si ay ula ciyaarto midkood Levante ama Athletico Club.

Xeerka tartankan waxaa qayb ka ah sharciga tirsiga goolka bannaanka (away goal), sidaas darteed, Barca ayaa ku hari doonta farqi labo gool ah haddii ay ku adkaato balse gool laga dhaliyay tusaale ahaan (3-1 & 4-2).

Barca ayaa kusoo gudbi karta farqi saddex gool ah sida; 3-0, 4-1 ama 5-2, halka Sevilla ay kusoo gudbi karto guul, barbarro iyo inay la kulanto guuldarro farqiga goolasheedu ka yar yahay saddex gool.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – Copa del Rey

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha:Jose Sanchez (Spain)

Wararka kooxaha:-

Barcelona ayaa weyn karta xiddigaheeda difaaca ka ciyaara ee Gerard Pique iyo Ronald Araujo kuwaasoo ay dhibaato kasoo gaartay kulankii ay Barca guusha ka gaartay Sevilla horaantii toddobaadkan, shaki badan ayaana la gelinayaa xiddigahan.

Pedri Gonzales ayaa sidoo kale kulankaas dhaawac kaga baxay, waxaana la rajeynayaa inuusan qayb ka noqon karin ciyaartan, halka Ansu Fati, Philippe Coutinho iyo Sergi Roberto ayaa hore dhaawacyo waqti fog ku maqnaa sidoo kalena seegaya ciyaartan.

Sevilla dhankeeda waxaa ciyaartan ka maqnaan doona Marcos Acuna iyo Lucas Ocampos oo dhaawacyo kala duwan ku seegaya ciyaartan.

Safafka macquulka ah ee labada koox kusoo gali karaan:-

Barcelona: Ter Stegen; Mingueza, Pique, Umtiti; Dest, De Jong, Busquets, Puig, Alba; Messi, Dembele

Sevilla: Bounou; Navas, Kounde, Carlos, Vidal; Rakitic, Gudelj, Jordan; Torres, En-Nesyri, Suso