Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni) Kooxaha Barcelona iyo Sevilla ayaa eegaya inay mid waliba gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kulanka caawa ka dhacaya garoonka Camp Nou, kaddib markii ay soo wada adkaadeen labadii kulan ee ay horyaalka ka dheeleen illaa iyo iminka.
Blaugrana ayaa guulo ka soo qaadatay kooxaha Villarreal iyo Celta Vigo, halka Sevilla ay dhibcaha ka soo qaadatay kooxaha Cadiz iyo Levante
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Taariikhda: Axad 04 Okt 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Camp Nou
Garsooraha: Jesus Gil (Spain)
Wararka Kooxaha:-
Clement Lenglet ayaa ganaax kaga maqnaan doona kooxda martida loo yahay kulankan kaddib markii laga saaray ciyaartii Celta Vigo habeenkii Khamiista.
Ronald Araujo ayaa dhexda ka gali doona daafaca dhexe, halka Gerard Pique sidoo kale la filayo inuu taam noqdo inkastoo uu isna dhaawac soo gaaray todobaadkan.
Ansu Fati wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed aad u wanaagsan, wuuna sii wadan doonaa inuu ka soo muuqdo weerarka, Ronald Koeman lagama yaabo inuu sameeyo isbadal weyn gabi ahaanba.
Youssef En-Nesyri ayaa la rajeynayaa in laga door-bido Luuk de Jong afka hore ee kooxda martida ah, kaddib guushii bartamihii isbuuca ee geeridii kulankii Levante.
Marcos Acuna ayaa la rajeynayaa inuu ka soo muuqdo daafaca bidix ee kooxda martida ah, isagoo laga door-bidayo Sergio Escudero.
Suso waa inuu ku soo bilaawdaa dhanka midig, iyadoo Julen Lopetegui uu ku soo bilaaban doono shaxdiisa oo la saadaalin karo.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Barcelona ayaa guuleysatay 24 ka mid ah 27-keedii kulanee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan afar gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku wajahday Sevilla tartammada oo dhan.
>- Barcelona ayaa guuleysatay lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay naadiga Sevilla tartammada oo dhan.
>- Kooxda Sevilla ayaan la garaacin 17-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kulammada horyaalka La Liga.
>- Sevilla ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay lix ka mid ah siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Barca ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-