Kooxda Tababare Ronald Koeman ayaa qaab niyad jab leh ku bilowday xilli ciyaareedkan, waxaana ay heleen kaliya siddeed dhibcood lix kulan oo ay ciyaareen, iyagoo haatan fadhiya kaalinta 12-aad ee kala horreynta horyaalka La Liga.
Dhinaca kale Betis ayaa dhankeeda ku jira kaalinta todobaad ee kala horreynta horyaalka La Liga kaddib markii ay 12-dhibcood heleen siddeed kulan oo ay ciyaareen horyaalka illaa iyo haatan.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Taariikhda: Sabti 07 Nof 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 06:15 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Camp Nou
Garsooraha: Guillermo Cuadra (Spain)
Wararka Kooxaha:-
Goolhaye Marc-Andre ter Stegen ayaa ku soo laabtay kooxda koowaad ee Champions League todobaadkan kaddib dhaawac muddo dheer uu garoomada uga maqnaa.
Frenkie de Jong ayay tahay inuu dib ugu soo laabto khadka dhexe ee Barca kulankan kaddib markii uu ka horyimid Dynamo Kyiv isagoo daafac dhexe ah.
Antoine Griezmann ayaa la filayaa inuu hogaamin doono safka kooxda martida loo yahay, inkastoo Ousmane Dembele uu ku soo bilaaban karo shaxda kaddib markii uu kaydka ka soo kacay bartamihii todobaadkan.
Martin Montoya ayaa soo laabtay kaddib markii uu ganaax kaga maqnaa kooxda martida ah, laakiin Emerson ayaa ka ciyaaraya booskiisa daafaca midig.
Cristian Tello ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo safka hore kulankan ay ka horjeedaan kooxdiisii hore, isla markaana uu ka soo muuqdo garabka bidix, ka hor Joaquin.
Antonio Sanabria sidoo kale waa inuu hogaamiyaa safka Real Betis, xiddigan reer Paraguay ayaana ka soo ciyaaray dhallinyaronimadiisa akadeemiyadda Kooxda Barcelona.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yarana saddex gool 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Real Betis tartammada oo dhan.
>- Kooxda Barcelona ayaa guuleysatay 12 ka mid ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay la ciyaartay Real Betis tartammada oo dhan.
>- Labada kooxood ayaa goolal dhaliyey afartii kulan ee ugu dambeeyey.
>- Kaliya mid ka mid ah 14-koodii kulan ee ugu dambeeyey labadaan kooxood ayaa ku dhammaaday barbaro.
>- Barcelona ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) saddexdii is-arag ee ugu dambeeyey.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-