Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa isha ku haysa inay gaarto afarta kulan oo isku xiga ee La Liga markii ay sii wadayaan ololahooda maxaliga ah ee ay gurigooda kula ciyaarayaan kooxda dhibtooneysa ee Huesca caawa oo Isniin ah.
Kooxda Tababare Ronald Koeman ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka La Liga, iyagoo 7 dhibcood ka hooseeya kooxda hoggaanka haysa ee Atletico Madrid, halka Huesca ay tahay kooxda ugu hooseysa horyaalka Spain, iyadoo kaliya 20 dhibcood ka heshay 26 kulan oo ay ciyaareen.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Camp Nou
Garsooraha: Adrian Cordero (Spain)
Wararka kooxaha:-
Barcelona ayaa la filayaa inay ku sii wadato saddex daafac dambeedka ah kaddib qaab ciyaareed fiican oo ay kala soo muuqdeen kulankii PSG ee bartamihii isbuucaan.
Ousmane Dembele waa inuu sii wadaa ka ciyaarista weerarka kaddib markii uu boosas wanaagsan soo galay kulankii ugu dambeeyay, laakiin waxa ka maqan gooldhalinta.
Ronald Araujo ayaa shaki ku jiraa kulankan sababo la xiriira cabasho dhanka canqowga ah, laakiin waa inuu weli ku soo bilawdaa, haddii uusan taam ahayn, Antoine Griezmann ayaa booskiisa buuxin kara, sidoo kale Barca ayaa la soo bixi karta kulankan shaxda 4-3-3.
Mikel Rico ayaa la filayaa inuu kala wareego Idrissa Doumbia khadka dhexe ee Kooxda Huesca.
Kooxda martida ah waa inay la socotaa nidaam ku dhici kara daafaca dhexe marka ay shan xiddig gadaal u taagan yihiin.
Dani Escriche iyo Javi Ontiveros ayaa ku dagaallami doona inay weheliyaan Rafa Mir weerarka kooxda martida ah Huesca.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
>- Barcelona ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- SD Huesca ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato 19 ka mid ah 20-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.
>- Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool sagaal ka mid ah tobakeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Barcelona ayaa shabaqeeda gool ilaashatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.
>- Kooxda Barcelona ayaan guuldarro la kulmin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday SD Huesca tartammada oo dhan.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-