Horudhac: Barcelona vs Alavés… (Blaugrana oo doonaysa inay ka soo kabsato guuldarradii niyadjabka lahayd ee ka soo gaartay Sevilla)

0
209

Blaugrana waxa ay doonaysaa kulankan inay ka soo kabsato guuldarradii niyad-jabka lahayd ee ka soo gaartay naadiga Sevilla todobaadkii hore, kulan ku tirsanaa afar dhammaadka Copa del Rey.

Barça ayaa bandhig cajiib ah ka sameynaysa horyaalka La Liga, waxaana ay guuldarro la’aan yihiin 11 kulan, iyagoo uruursaday 29 ka mid ah 33 dhibcood oo ay heli kareen, waxaana ay gaareen lix guul oo xiriir ah horyaalka.

Blaugrana ayaa caawa wajaheysa kooxda Alavés oo dhibtoonaysa xilli ciyaareedkaan oo dhan, waxaana kaliya ay badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana ay dhaliyeen kaliya 19 gool 22 kulan oo ay ilaa iyo haatan ciyaareen.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Jorge Figueroa (Spain)

Wararka kooxaha:-

Ronald Araujo ayaa ka maqnaanaya kooxda Barcelona kaddib dhaawac canqowga ah oo soo gaaray, sidaas darteed Oscar Mingueza waa inuu daafaca dhexe la wadaagaa Clement Lenglet.

Sergino Dest ayaa shaki ku jiraa, waxaana loo malaynayaa inuu qabo dhibaato muruqa ah, laakiin waxaa la filayaa inuu ku soo bilowdo haddii uu taam yahay, laakiin haddii uusan ka gudbin tijaabada jirkiisa, markaas Samuel Umtiti ayaa laga yaabaa inuu soo galo afarta daafac.

Antoine Griezmann ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo garabka bidix ee kooxda martida loo yahay isbuucaan.

Victor Laguardia ayaa si buuxda taam u ah waxaana uu ka soo kabsaday dhaawac uu la maqnaa, waana inuu kula soo bilaawdaa Florian Lejeune daafaca dhexe ee kooxda martida ah.

Ma jiro wax isbedel ah oo laga filayo kooxdii 1-0 ku garaacday Real Valladolid isbuucii hore.

Edgar Mendez waa inuu ku soo bilowdaa garabka midig, inkastoo Abelardo uu sidoo kale labanlaaban karo dhanka daafaca, isagoo khadka dhexe kala ciyaaraya Martin Aguirregabiria

Xiddiga Kooxda Manchester United ee amaahda ah Facundo Pellistri ayaa rajeynaya inuu kulankiisii ugu horreeyay Alaves ku ciyaaro caawa garoonka Camp Nou.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Barcelona ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku soo dhoweysay naadiga Alaves tartammada oo dhan.

>- Kooxda Barcelona ayaa guuleysatay lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 10 ka mid ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku qaabisay Deportivo Alaves tartammada oo dhan.

>- Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool siddeed ka mida ah tobankeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Deportivo Alaves ayaa ku guuldarreysatay inay guul gaarto shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka La Liga ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-