Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha Athletic Club iyo Real Madrid ayaa kulan aad u xiiso badan caawa ku qaadanaya horyaalka La Liga xilli ay kooxda martida ah dooneyso inay sii dheereysato farqiga ay hoggaanka ku heyso kaddib markii ay Sevilla xalay barbarro la gashay Barcelona.
Naadiga Athletic Bilbao ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala sarreynta horyaalka dalka Spain iyadoo leh 24 dhibcood, halka Los Blancos ay kaalinta koowaad ku heysato 43 dhibcood, farqi ahaanna shan dhibcood ayay ka sarreysaa kooxda kusoo xigta oo leh 38 dhibcood.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Spain – La Liga
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:30 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: San Mames Barria
Garsooraha: Cesar Soto (Spain)
Wararka Kooxaha:
Naadiga marti gelineysa kulanka ayaa caawa Real Madrid soo dhoweyneysa iyadoo aanan heysan shan ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah sida Goolhaye Unai Simon iyo Inigo Martinez oo la jiifa Koofid-19, iyo Yuri Berchiche, Asier Villalibre iyo Alex Berenguer, halka shaki dhaawacyo ah la gelinayo Dani Vivian iyo Peru Nolaskoain.
Dhinaca kale Real Madrid ayaa la tacaaleysa mid ka mid ah xaaladaha Korona ee ugu daran horyaalka La Liga, waxaana xanuunka dartiis seegaya ciyaartan David Alaba, Gareth Bale, Isco iyo Andriy Lunin kuwaasoo baaritaankii labaad xitaa looga helay xanuunka, Luka Modric oo laga waayay xanuunka ayaa wali sii maqnaan doona waxaana ku wehliya maqnaashaha Marco Asensio iyo Marcelo oo taam aanan u ahayn kulankan, Casemiro oo ganaax ku seegaya ciyaartan halka Dano Carvajal shaki laga gelinayo ciyaartan.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Athletic Bilbao ayaanan guul ka gaarin Real Madrid tan iyo bishii March ee sanadkii 2015.
Athletic Bilbao ayaa la garaacay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo Real Madrid ku wajahday La Liga.
Los Blancos ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay afartii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka dalka Spain.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
Athletic Club:
Real Madrid: