Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wali raadinaya inuu kooxda reer Taliyaani kula guuleysto tartanka Coppa Italia, waxaana Bianconeri ay caawa fiinaalka tartankan la ciyaari doontaa naadiga Atalanta.
Juve oo ah kooxda ugu guulaha badan tartanka ayaa raadineysa inay ku guuleysato markeedii 14-aad iyo markii ugu horreysay labo xilli ciyaareed kaddib, halka Atalanta ay raadineyso inay Coppa Italia hanato markii labaad taariikhdeeda iyadoo halka mar ay heysato ku guuleysatay 1963.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Italy – Coppa Italia
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: MAPEI STADIUM – Città del Tricolore
Garsooraha: Davide Massa (Italy)
Wararka kooxaha:-
Kaliya Rafael Toloi ayaa dhaawac kaga maqnaan doona Atalanta, hase ahaatee, Mario Pasalic oo ahaa baddel aanan la isticmaalin ayaa la filayaa inuu kulankan safka hore kusoo bilawdo.
Dhanka kale, Juventus ayaanan heli doonin difaaceeda Merih Demiral kaasoo wali aanan noqon taam buuxa halka Rodrigo Bentancur uu isna ganaax ku seegayo ciyaartan kaddib markii casaan loo taagay ciyaartii Inter Milan.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Juventus iyo Atalanta ayaa Coppa Italia horay isugu arkay 16 jeer, waxaana lix ka mid ah guul gaartay Bianconeri, halka kooxda ka dhisan Bergamo ay adkaatay afar jeer, waxayna barbarro galeen lix ciyaarood.
Atalanta ayaa garaacday Juventus kulankii ugu dambeeyay ee labadan koox wada ciyaaraan waxaana uu ahaa kulan ka tirsan Serie A oo 1-0 lagu edbiyay Juve, balse kooxda lagu naaneyso La Dea ayaanan marnaba labo guul oo xiriir ah ka qaadan Bianconeri.
Juventus ayaa ah naadiga fiinaallada ugu badan ee tartankan kasoo muuqatay iyadoo caawa ciyaareysa markeedii 20-aad, halka ay ku guuleysatay 13 jeer, waana kooxda tirada ugu badan hanatay.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay sagaal gool kaddib 10 fiinaal oo uu ciyaaray xirfaddiisa, hase ahaatee, waxa uu ku guuldarreystay inuu shabaqa gaaro saddex ka mid ah shantii fiinaal ee ugu dambeysay oo uu ciyaaray dhammaan tartammada.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-
Atalanta:
Juventus: