Horudhac: Aston Villa vs Arsenal… (Labada kooxood oo doonaya inay ka soo kabsadaan guuldarrooyinkii niyadjabka lahaa ee dhowaan soo gaaray)

0
178

Kooxda martida loo yahay ayaa guuldarro kala kulantay West Ham United kulankoodii ugu dambeeyay, halka Arsenal ay guuldarro ka soo qaadatay horyaalka markii ugu horreysay sanadka 2021 Naadiga Wolverhampton Wanderers.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 03:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika

Garoonka: Villa Park

Garsooraha: Chris Kavanagh (England)

Wararka kooxaha:-

Tababaraha Aston Villa ee Dean Smith ayaysan kooxdiisu qabin wax dhaawacyo cusub ah, laakiin waxaa laga yaabaa inuu cusbooneysiiyo shaxdiisa kaddib guuldarradii ka soo gaartay West Ham.

Bertrand Traore, Trezeguet iyo saxiixooda cusub ee Morgan Sanson ayaa dhamaantood ku bilaaban kara safka hore ee kulanka galabta.

Goolhayaha Arsenal ee Bernd Leno iyo daafacooda David Luiz ayaa labaduba ganaax ku maqan kaddib markii ay kaararka casaanka ah qaateen kulankii Talaadadii ee Wolves.

Maqnaanshaha Leno ayaa la micno ah in midkood Alex Runarsson ama Mat Ryan uu ku soo bilaaban doono safka hore, inkastoo kan dambe uu qabo dhaawac sinta ah.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Aston Villa, kuwaasoo ku badiyey 3-0 ayaa laga yaabaa inay dhammaystiraan inay hore iyo gadaal u maraan oo labo kulan oo isku xiga garaacaan Arsenal horyaalka markii ugu horreysay tan iyo fasal ciyaareedkii 1992-93.

>- Arsenal ayaa la kulmin saddex guuldarro oo isku xiga horyaalka iyagoo wajahaya Aston Villa tan iyo sanadkii 1993-kii.

Aston Villa

>- Afar guuldarro ayay la kulantay lix kulan oo horyaalka ah oo ay ciyaartay Villa, waana in badan 18-kii kulan oo ay ciyaartay markaas ka hor.

>- Waxa ay guuldarro la kulantay 16 ka mid ah 18-keedii kulan ee la soo dhaafay horyaalka Premier League oo ay ciyaartay bisha Febraayo, kaliyana waxa ay garaaceen Norwich sanadkii 2016 xilli ay barbaro la galeen Cardiff sanadkii 2014.

>- Kooxda uu hoggaamiyo macallin Dean Smith ayaa u baahan saddex dhibcood si ay u barbareyso dhibcihii ay heshay xilli ciyaareedkii hore ee ahaa 35-dhibcood.

>- Jack Grealish ayaa gacan ka geystay 16 gool oo horyaalka ah 20 kulan oo uu saftay, waxa uu dhaliyey lix gool isagoo caawiye ka ahaa 10 gool.

>- Ollie Watkins ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Aston Villa kaasoo gool dhaliya saddex kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League oo ay kooxdiisu ciyaareyso garoonkeeda tan iyo Darren Bent sanadkii 2011.

Arsenal

>- Arsenal ayaa la soo gabagabeeyey todobo kulan oo ay guuldarro la’aan ahayd (unbeaten), waxaana soo afmeertay guuldarro la’aantaas naadiga Wolves kulankii Talaadadii, Gunners ayaana markaas ku raaxaysanaysay 5 Guul iyo 2 barbaro.

>- Gunners ayaa laga dhaliyey sagaal gool afarteedii kulan ee la soo dhaafay horyaalka oo ay ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda ama ay marti ahaayeen (Away).

>- Kooxda Tababare Mikel Arteta ayaa haysata rikoorka daafacashada labaad ee ugu fiican xilli ciyaareedkan, waxaana ay ka dambeysaa Manchester City, iyadoo la siman Spurs.

>- Sagaal ciyaryahan oo Arsenal ah ayaa garoonka laga saaray oo kaarka casaanka ah qaatay tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey kooxda hoggaamiyey Macallin Arteta, kulammadii Boxing Day ee 2019-kii, waana in shan ka badan koox kasta oo kale.

>- Nicolas Pepe ayaa doonaya inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyey Arsenal ee gool dhaliya afar kulan oo xiriir ah horyaalka kulammada bannaanka (Away), tan iyo Olivier Giroud oo sidaasi sameeyey intii u dhexeysay bilihii September iyo November ee sanadkii 2015-kii.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-