Horudhac: Arsenal vs Tottenham Hotspur… (Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulanka caawa ee North London Derby)

0
226

Arsenal ayaa haatan fadhisa kaalinta 10-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana ay uruursatay 38-dhibcood 27 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, halka Tottenham ay ku jirto kaalinta 7-aad, iyadoo lix dhibcood ka dambeyso kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee Chelsea, inkastoo kulanka caawa maahane uu mid kale baaqi u sii yahay Spurs.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Michael Oliver (England)

Wararka kooxaha:-

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay inuusan wax dhaawac ah wajahaynin kaddib guushii ay ka gaareen Olympiakos, waxaana uu heystaa koox dhammeystiran oo uu ka soo xusho shaxdiisa.

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa rajeynaya in Harry Kane uu taam u noqon doono inuu ciyaaro kulankan.

Weeraryahankan ayaa la bedelay kulankii Dinamo Zagreb kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka, laakiin Mourinho ma aaminsana in dhibaatadu ay tahay mid halis ah.

Ciyaartoyda muhiimka ah ee Spurs, kuwaasoo la nasiyay bartamihii isbuuca sida Gareth Bale, Sergio Reguilon iyo Toby Alderweireld ayaa lagu wadaa in dib loogu yeero caawa.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

>- Arsenal ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 35-kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay garoonkooda kula ciyaareen Tottenham (19 Guul iyo 14 barbaro), waxaa looga badiyay kulankii 3-2 ku dhammaaday ee ka dhacay Emirates bishii November ee sanadkii 2010 iyo kulankii 3-1 lagu cabay ee ka dhacay garoonka Highbury bishii May ee sanadkii 1993-kii.

>- Spurs ayaa u tartameysa inay dhammeystirto inay minin iyo marti u garaacdo Gunners markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1992-93, waxay sheegan karaan saddex guul oo isku xigta oo horyaalka ah kulankaan markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1974-kii.

>- Arsenal ayaan wax guul ah gaarin shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Tottenham, waxaana ay la kulmeen shantaas kulan 2 barbaro iyo 3 guuldarro – waligeed lix kulan guuldarro la’aan kama noqon kooxda ay ku xafiiltamaan Waqooyiga London.

Arsenal

>- arsenal ayaa badisay kaliya labo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka, waxaana ay ku guuldarreysatay inay shabaqeeda gool ka ilaashato lixdii kulan ee ka horeeyay kuwaas.

>- Gunners ayaa laga badiyay shan kulan oo Premier League ah oo ay ku ciyaareen gurigooda xilli ciyaareedkan, waana tiradoodii ugu badneyd tan iyo markii ay la kulmeen lix guuldarro xilli ciyaareedkii 1994-95.

>- Mikel Arteta ayaa noqon kara Macallinkii ugu horreeyey Arsenal ee guuldarreysta saddexdiisa kulan ee ugu horreeya north London derby.

>- Arteta ayaan wax guul ah gaarin siddeedii kulan ee uu la ciyaaray Premier League isaga oo ah xiddig ama isagoo tababare ah uu ka hortagay Macallin Jose Mourinho.

>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay lix gool afar kulan oo Premier League ah oo uu ku soo bilowday safka hore – kaliya saddex jeer ayuu shabaqa soo taabtay 16-kii kulan ee ugu horreeyay ee uu xilli ciyaareedkaan ku bilowdo.

Tottenham Hotspur

>- Spurs ayaa badisay afartii kulan ee ugu horreysay Premier League ee ay marti ahaayeen xilli ciyaareedkaan, laakiin kaliya labo guul ayey gaareen sagaalkii kulan ee ugu danbeeyay ee ay martida ahaayeen, waxaana ay haystaan 3 Barbaro iyo 4 Guuldarro.

>- Waxay kaliya dhaliyeen 10 gool 11-kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay martida ahaayeen.

>- Tottenham ayaa leh 46 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, iyadoo 37 ka mid ah ay dhaliyeen ama caawiyeen Harry Kane ama Song Heung-min.

>- Kane ayaa hogaaminaya gooldhalinta Kulamada north London derby, isagoo leh 11 gool 14 kulan oo uu saftay horyaalka iyo koobabkaba.

>- Goolasha Kane ee 11-ka gool ee Premier League oo uu ka dhaliyay Arsenal, waxaa ka wanaagsan kaliya Wayne Rooney, kaasoo dhaliyay 12 gool.

>- Jose Mourinho ayaa laga badiyay kaliya labo ka mid ah 22 kulan oo isagoo macallin ah uu wajahay kooxda Arsenal tartammada oo dhan, waxaana uu kula kulmay 12 guul iyo 8 barbaro.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-