Horudhac: Arsenal vs Fulham…(& Rikoorrada wanaagsan ee ay Arsenal ka heysato Fulham)

0
262

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta ee Arsenal oo Khamiistii aynu soo dhaafnay iska xaadirisay wareegga afar-dhammaadka ee tartanka Europa League ayaa galabta garoonkeeda kula ciyaareysa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Fulham.

Kooxaha ka wada dhisan London ayaa kulan ka tirsan horyaalka Premier League ku wada ciyaari doona Waqooyiga caasimadda England, xilli naadiga martida ah ay ku jirto halka loogu laabto horyaalka heerka labaad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 03:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

Wararka kooxaha:-

Arsenal ayaa mar kale ciyaari doonta la’aanta daafacyadeeda kala ah David Luiz iyo Kieran Tierney kuwaasoo garoommada kaga maqan dhaawacyo jilbaha kasoo kala gaaray.

Sidoo kale, Kabtan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa kasoo kabanaya xanuunka Malaariyada, shaki badan ayaana laga gelinayaa inuu ciyaartan qayb ka noqon karo, hase ahaatee, Gunners ayaa dib u heli doonta Martin Odegaard kaasoo qabay dhaawac anqowga ah.

Dhinaca kale, Fulham ayaa dib u heleysa xiddigeeda Ademola Lookman kaasoo dhaawac muruqa ah ku seegay ciyaartii lasoo dhaafay ee ay guuldarrada kala kulmeen naadiga Wolves.

Tom Cairney ayaa sidoo kale la rajeynayaa inuu ciyaaro kulankan, hase ahaatee, shaki badan ayaa ku jira safashadiisa, balse waxaa guud ahaan kulankan seegaya Terence Kongolo.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Fool Ka Fool

Arsenal ayaa Fulham ku garaacday 5-1, 4-1 iyo 3-0 saddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka oo ay wada ciyaareen, ma jirto Gunners inay hal koox afar kulan oo is xigta ay horyaalka ku garaacaan saddex gool ama wax ka badan.

Fulham ayaa haatan tirsaneysa lix guuldarro oo xiriir ah oo Arsenal kasoo gaartay kulammada horyaalka, kooxaha kaliya ee guuldarrooyin xiriir ah oo intaas ka badan u saariyayna waa Manchester City oo haatan ka mareysa sagaal kulan tan iyo 2012 iyo Manchester United oo siddeed jeer oo isku xigta garaacday intii u dhexeysay 2005 illaa 2009.

Arsenal

Arsenal ayaa raadineysa inay markii ugu horreysay tan iyo jannaayo gaarto labo guul oo is xigta horyaalka.

Haddii Gunners ay la kulanto galabta guuldarradeeda 13-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan, waxay barbarreyn doontaa rikoorkeeda guuldarrooyinka ugu badan hal xilli ciyaareed kadib 38 kulan oo ay Premier League ka ciyaartay fasalkii 2017-18.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan garoonkeeda kala kulantay siddeed guuldarro dhammaan tartammada, waana xilli ciyaareedkeeda ugu xumaa tan iyo 1929-30 markaas oo ay sagaal guuldarro ku qaadatay garoonkeeda.

Mikel Arteta kooxdiisa ayaa la kulantay kaliya hal guuldarro 42-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha ku jira xayndaabka loogu dhaadhaco heerka labaad ee ciyaaraha horyaalka Ingiriiska, iyadoo 39 jeer guul gaaray, sidoo kalena gashay labo barbarro, waxaana guuldarrada qura ee soo gaartay bidday naadiga Burnley ciyaartii ugu dambeysay oo ay Arsenal wajahaday kooxaha kaalmaha hoose ku jira ciyaar dhacday bishii December ee sanadkii hore.

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Alexandre Lacazette ayaa goolal dhaliyay dhammaan saddexdii kulan ee ay Premier League ku wajaheen naadiga Fulham.

Fulham

Fulham ayaa guuldarro la kulantay afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxayna guuldarrooyinkan soo gaaray ay la eg yihiin inta soo gaartay 17-kii kulan ee ka horreeyay afartaan ciyaarood.

Kani waa kulankii boqolaad ee Scott Parker uu leyliyo Fulham isagoo macallin u ah, waxaana uu horay guul ugu hoggaamiyay kooxdan 37 kulan, halka barbarro uu galay 23 jeer, sidoo kalena la garaacay 39 kulan.

Cottagers ayaanan gaarin wax guul ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay kulammada Premier League oo ay la ciyaartay kooxaha kaa dhisan London tan iyo guusheedii ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kaga gaartay naadiga West Ham United maalintii koowaad ee sanadka 2014.

Aleksandar Mitrovic ayaa 16 kulan ka ciyaaray kulammada Premier League ee darbiyada London isagoo aanan marnaba helin wax guul ah, waxaana xiddiga ugu badan ee ay musiibadan qabsatay.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-