Gunners waxa ay doonaysaa inay adkaato kulankan si ay u sii xoojisato guushii weynayd ee ay todobaadkii la soo dhaafay ka gaareen Manchester United.
Aston Villa ayaa u safreysa caawa garoonka Emirates, iyadoo Gunners kaga sarreysa horyaalka farqiga goolasha, inkastoo ay guuldarooyin is xig-xigay ay kala kulantay Kooxaha Leeds United iyo Southampton.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Taariikhda: Axad 08 Nof 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Emirates Stadium
Garsooraha: Martin Atkinson (England)
Wararka Kooxaha:-
Arsenal ayaan qabin wax dhaawacyo cusub ah kulanka ay caawa soo dhoweynayaan kooxda Aston Villa, iyadoo la filayo in isku shaandheyn shaxda ah la sameeyo kaddib guushii Europa League ee ay ka gaareen Molde.
Gabriel, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Thomas Partey ayaa dhammaantood qarka u saaran inay soo laabtaan.
Xiddiga garabka uga ciyaara Aston Villa ee Bertrand Traore ayaa garoomada ka maqnaan doona illaa kaddib ciyaaraha heerka caalami kaddib dhaawac gumaarka ah oo ka soo gaaray kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Southampton.
Goolhaye Tom Heaton ayaa dib ugu soo laabta tababarka buuxa ee kooxda Villa kaddib 10 bilood oo uu la maqnaa dhaawac jilibka ah.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Arsenal ayaa guuleysatay saddexdeedii kulan ee ugu dambeyey oo ay garoonkeeda kula ciyaartay horyaalka naadiga Aston Villa, waxaana ay cel-celis ahaan ka dhalisay 12-2.
>- Guushii 1-0 oo ay Villa kaga gaartay garoonkeeda Arsenal bishii July ayaa soo gabagabaysay todobo guuldarro oo fool ka fool ah oo ay kala kulmeen Gunners iyo 23 gool oo laga dhaliyey tartammada oo dhan.
>- Aston Villa ayaa awoodi karta inay kulammo xiriir ah ku garaacdo horyaalka Arsenal markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1998-kii.
Arsenal
>- Guuldarradii 1-0 ee ka soo gaartay Leicester City kulankii ugu dambeeyay ayaa ahayd guuldarradoodii ugu horreysay ee garoonkooda ku soo gaarta sanadkan 2020.
>- Arsenal ayaa laga dhaliyay 7 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, si kastaba ha noqotee, waxay ku guuldareysteen inay shabaqa ilaashadaan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda ku ciyaareen.
>- Waxay ku guuldareysan karaan Gunners inay shabaqa soo taabtaan kulammo isku xiga oo horyaalka Premier League ay ku ciyaaraan gurigooda markii ugu horreysay tan iyo bishii Febraayo sanadkii 2016-kii.
>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga yaabaa inuu ku guuldarreysto inuu shabaqa soo taabto afar kulan oo isku xiga horyaalka oo uu ku ciyaaray garoonka kooxdiisa markii ugu horreysay tan iyo bishii December sanadkii 2014-kii markaasoo uu ku sugnaa kooxda Borussia Dortmund ee Bundesliga.
Aston Villa
>- Aston Villa ayaa guuleysan karta saddex kulan oo isku xiga horyaalka Premier League iyagoo ku ciyaaraya meel ka baxsan garoonkooda markii ugu horreysay tan iyo bishii April ee sanadkii 2010-kii.
>- Villa ayaa noqon karta kaliya kooxdii saddexaad ee taariikhda ciyaaraha sare ee horyaalka ee badisa afarta kulan ee furitaanka, isla markaana laga badiyo saddexda ciyaar ee xigta. Villa ayaa sidaasi sameysay 1891-92, waxaana ku xigay Stoke City 1895-96.
>- Villa ayaa laga badiyay 12 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League ee ay marti u ahaayeen lixda koox ee ugu sarreysa, kulanka kalena barbaro ayay galeen oo xitaa ma badin.
>- Waa kooxda kaliya ee aan garoonkooda meel ka baxsan gool looga dhalin Premier League xilli ciyaareedkan, iyagoo ahaa kooxda kaliya ee aan ilaashan shabaqeeda xilli ciyaareedkii hore.
>- Jack Grealish sayaa dhaliyey afar gool waxaana uu dhiibay afar goo loo kale fasal ciyaareedkii 2019-20, kaliya Harry Kane (14) iyo Son Heung-min (10) ayaa si toos ah ugu lug lahaa goolal badan ka hor kulanka bilowga isbuucan.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-