Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kaddib markii ay kaga soo adkaadeen xulka Brazil wareega siddeed dhammaadka Koobka Adduunka, Croatia ayaa doonaysa inay gaarto kulanka finalka, kaddib markii ay caawa isku wajahaan Argentina, ciyaarta semi-finalka ee ka dhici doonta garoonka Lusail Iconic.
Labada xul qaran ee Argantina iyo Croatia ayaa rigoorayaal ay kaga soo gudbeen xulalka Netherlands iyo Brazil ayaa u uurogalisay inay balan ku sameystaan semi-finalka ee Koobka Adduunka.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Lusail Iconic Stadium
Garsooraha: Daniele Orsato (Italian)
Wararka Xulalka:-
Tabbabaraha xulka qaranka Argantina Lionel Scaloni ayay dhammaan xiddigihiisa taam u ah, maadaama uusan jirn wax dhaawac ah ee soo gaaray, kaddib 120 daqiiqo ay soo ciyaareen kulankii wareega siddeed dhammaadka.
Alejandro Gomez ayaa waqtiga la dagaalamaya si uu diyaar ugu noqdo kulankaan isagoo sare u qaaday rajada laga qabo ka soo kabashadiisa murgacasho dhanka canqowga ah, halka Rodrigo De Paul iyo Angel Di Maria oo labadoodaba la tacaalayay dhibaatooyin yar yar ay filayaan inay taam u noqdaan kulanka semi-finalka.
Daafacyada buuxa ee Marcos Acuna iyo Gonzalo Montiel ayaan kulankan ku seegaya ganaax, inkastoo Nicolas Tagliafico uu ka ciyaari karo dhanka bidix ee daafaca halka Nahuel Molina uu ku sii ciyaari karo dhanka midig.
Haddii Scaloni uu doorto afar ama shan difaac waxay ku xirnaan kartaa taam ahaanshaha Angel Di Maria, garabka ruug cadaaga ayaa kursiga keydka ka soo kacay kulankii Netherlands kaddib dhaawac soo gaaray.
Dhanka xulka qaranka Croatia, tababare Zlatko Dalić wuxuu helayaa dhaam xiddigahiisa kaddib guushii quarter-finalka ee Brazil, wuxuuna fursad u heli doonaa inuu la shaqeeyo kulanka Talaadada inta ugu muhiimsan shaxdiisa, waxaana intaas u sii dheer in xiddigaha Borna Sosa iyo Mislav Orsic labaduba ka soo kabsadeen dhaawacyo kala duwan.
Shaxda macquulka ah ee labada Xul:-
Argentina XI: E. Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Tagliafico; Fernandez, De Paul, Mac Allister; Di Maria, Messi, Alvarez
Croatia XI: Livakovic; Juranovic, Gvardiol, Lovren, Sosa; Modric, Brozovic, Kovacic; Pasalic, Kramaric, Perisic.