Hordhaca: Man United vs Brighton – Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka Galabta ee horyaalka Premier League

0
197

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Erik ten Hag ayaa isku dayi doona in uu si fiican ku bilaabo maamulkiisa Manchester United, marka Red Devils ay Old Trafford ku soo dhawayso Brighton & Hove Albion kulan ka tirsan Premier League.

Man United ayaa ku dhameysatay kaalinta lixaad ee kala sareynta horyaalka xilli ciyaareedkii hore, waxayna 13 dhibcood ka hooseysa booska afaraad ee Tottenham Hotspur, halka Brighton ay ku jirtay kaalinta sagaalaad, waxayna heshay 51 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Kulanka: Man United vs Brighton.

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 40:00 galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Old Trafford.

Garsooraha: Paul Tierney.

Wararka kooxaha:-         

Manchester United ayaa kulankan qeyn doonta adeega weeraryahankeeda reer France ee Anthony Martial sababa dhaawac dartood, kaddib bandhigii wacnaa uu ka sameeyay kulamadii saaxiibtinimo ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sidoo kale Brandon Williams ayaa kulankan dhaawac ku seegaya balse waxa soo kabtay Luke Shaw oo isagu ka maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ee saaxiibtinimo.

Dhanka kooxda kubadda caagta Brighton xiddiga kaliya ee la hubo inuu maqnaanayo ayaa ah Jacub Moder, tababare Graham Potter ayaa haysta dhammaan xiddigaha kale ee safkiisa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester United XI: De Gea; Dalot, Maguire, L Martinez, Malacia; Fred, McTominay; Sancho, Fernandes, Elanga; Rashford

Brighton & Hove Albion XI: Sanchez; Veltman, Dunk, Webster; Lamptey, Mwepu, Gross, March; MacAllister, Welbeck, Trossard.