HORDHAC: Wolves v Man City – Sky Blues Oo Hoggaanka U Socda, Fursada Diego Costa & Xogaha Kulankan

0
130

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City oo ay ujeedadeedu tahay inay ugu yaraan si kumeel gaadh ah hoggaanka Premier League usii qabato ayaa booqanaysa dhigeeda Wolves kulan xiiso badan.

Premier League ayaa dib u bilaabmaya toddobaadkan walow saddex kulan markale loo baajiyay sababta geerida boqoradii England, City ayaa kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka ah barbardhac lasoo gashay Aston Villa halka Wolves kulankeedii ugu dambeeyay guul ka gaadhay Southampton.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Bruno Lage ayaa tiro dhaawacyo ah ku qaba kooxdiisa Wolves kahor kulankan, dhaawaca ugu weyn ayaa ah mid jilibka ah oo kulankiisii koowaadba haleelay weeraryahanka saxeexa cusub ee Sasa Kalajdzic.

Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa haddii uu kulankan kasoo gaadhi doono weeraryahan Raul Jimenez oo dhaawac ku maqnaa, dhinaciisa saxeexii ugu dambeeyay ee Diego Costa ayaan la hubin haddii uu taam ahaansho jidh ciyaareed qabo maadaama oo uu mudo dheer koox la’aan ahaa kulamona ciyaarin.

Dhinaca Man City waxa tababarka dib u bilaabay mudoba daafaca dhexe ee Aymeric Laporte halka daafaca midig ee Kyle Walker uu wali kasoo kabanayo jug ku gaadhay kulankii Villa.

John Stones ayaa daafaca midig kasoo muuqan kara iyadoo Joao Cancelo kasoo muuqanayo daafaca bidix halka Nathan Ake iyo saxeexa cusub ee Manuel Akanji ay ku dagaalami karaan booska kale ee daafaca dhexe kaddib Ruben Dias.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Wolves 4-3-3): Sa; Jonny, Kilman, Collins, Ait-Nouri; Nunes, Neves, Moutinho; Neto, Hwang, Podence

Man City (4-3-3): Ederson; Stones, Akanji, Dias, Cancelo; Gundogan, Rodri, De Bruyne; Silva, Haaland, Foden

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Molineux Stadium

Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Anthony Taylor