Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Chelsea oo uu kulankiisii koowaad hoggaaminayo Frank Lampard ayaa maanta marti ku ah Molineux Stadium oo ay ugu tagayaan Wolverhampton Wanderers.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Wolves waxa usoo laaban kara kulanka xiddigaha ka dhaawacnaa ee Hwang Hee-chan iyo Boubacar Traore balse waxa ganaaxyo qaba Ruben Neves iyo Jonny Otto.
Chelsea waxa markale dhaawacyo kaga sii maqnaan doona kabtan Azpilicueta, Thiago Silva iyo Armando Broja balse waxa diyaar ah Aubameyang oo aan mudo dheer kasoo muuqan.
N’Golo Kante oo dhawaan soo kabtay ayaa khadka dhexe la dheeli kara markale Mateo Kovacic iyo Enzo Fernandez.
Fofana iyo Badiashile ayaa daafaca dhexe kusoo wada bilaaban kara iyadoo ay garabaha daafaca ciyaarayaan James iyo Chilwell.
Wolves (4-3-3): Sa; Semedo, Dawson, Kilman, Bueno; Lemina, Moutinho, Nunes; Adama Traore, Jimenez, Podence
Chelsea (4-3-3): Kepa; James, Wesley Fofana, Badiashile, Chilwell; Kovacic, Fernandez, Kante; Felix, Havertz, Sterling
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Molineux Stadium
Wakhtiga:
Garsoore: